Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»PDRC iyo SIDRA oo ku loolamaya Puntland!
    Somalia

    PDRC iyo SIDRA oo ku loolamaya Puntland!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 14, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guuleed Saalax waa in uu kala saaraa Sidra iyo danta guud oo aysan iskaga dhex yaacin.

    Guuleed Saalax Gudoomiyaha Gudiga doorashada Puntland ee dhawaan la doortay,isagoo ka faa’idaysanaya saamaynta uu yeeshay waxuu u adeegsaday muquunin awoodeed oo uu kula kacay xarunta muhiimka u ah dalka iyo dadka ee PDRC.

    Guuleed oo garab ka helaya Wasiir Dhabancad oo ay muuqato in uu xumaan uhayo xarunta PDRC waxuu ku dhaqaaqay in dhamaan mashaariicdii ama barnaamijyadii ay horay ufulin jirtay PDRC uu uleexiyo Sidra oo ah Machad isagu aas-aasay kana yahay Agaasime.

    Barnaamijyada uu leexsaday,isagoo ka faa’idaysanaya saamayntiisa uu ku yeeshay Gudiga doorashada,Gudiga shirka maalgashiga,xiriirkiisa Madaxtooyada iyo isku xirnaanta isaga iyo Wasiir Dhabancad,waxaa ka mid ah.

    B.Shirkii isbarida Golaha Wasiirada iyo beesha caalamka oo ay horay uqaban jirtay PDRC.

    T.La diyaarinta Golaha Wasiirada barnaamijyadooda 5-ta sano oo ay horay uqaban jirtay PDRC xogo badana ay ka hayso.

    J.Abaabulka iyo diyaarinta hab maamuuska shirka maalgashiga oo ay PDRC yaalaan xogo fara badan oo laga diyaariyay ganacsiga iyo maalgashiga Puntland.

    Guuleed barnaamijyada uu isku dayay in uu iyagana leexsado isagoo ka faa’idaysanaya saamayntiisa dhinacyada badan leh,waxaa kaloo laga xusi karaa…

    B.Hirgalinta nidaamka Xisbiyada badan ee Puntland,kaasoo ay haysatay xarunta PDRC khibrad iyo xog badana ay uhayso.

    PDRC waa xarun cilmi baaris oo ay Puntland leedahay,waxaana lagu tilmaami karaa Hantida Qaran ee jirta mid ka mid ah,waana soo jireen xog iyo haldoor fara badan ay ay ku urursan yihiin..

    Waa dhab in aysan u hana qaadin sidii la rabay,balse taas macnaheedu mahan in laysku dayo in meeshaba laga saaro ama inta ay qabatay lakala daadiyo.

    Dhabancad waa muhiim in uu ilaaliyo dhex-dhexaadnimada masuuliyadu farayso,sidoo kalena ka feejignaado waxyeelida xarumaha muhiimka u ah Umada si walba oo uu tiisa uga dhex arki waayo.

    Madaxweyne Deni waxuu ku amaanan yahay in markii cabasho uga timid PDRC uu usara kacay wax la taaban karana ka qabtay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.