Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»PL Oo Daah-furtay Qorshaha horumarinta Ee 5-sano
    Puntland

    PL Oo Daah-furtay Qorshaha horumarinta Ee 5-sano

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 10, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe: 10 November 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay daah-furka qorshaha horumarinta Dowladda Puntland ee 5-sano oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga caalamiga ah.

    Madaxweynaha ayaa boggaadiyay waxyaabihii ka qabsoomay qorshihii horumarinta Dowladda Puntland ee 5-tii sano ee lasoo dhaafay iyo qorshaha 5-ta sano ee soo socota oo ay si farshaxameysan usoo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta.

    “Marka la fiiriyo warbixinta lasoo bandhigay meelaha guulaha laga gaaray waa meelaha Dowladdu sida tooska ah u maal geliso sida Amniga, Dimuqraadiyada iyo Kaabayaasha dhaqaalaha.

    Dimuqraadiyada wixii ku baxay dowladdaa 80% bixisay, Waxbarashada kharashka ku baxa Dowladda iyo Shacabka ayaa 80% bixiya, iyaga dhismayaal iyo waxyaabo kooban waa jiraa oo nalaga taageero.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

    Qorshaha Dowladda Puntland ee 5-sano ee soo socota iyadoo la hirgelinayo horumarka la hiigsanayo, hadana waxaa qeyb ka ah isku tashi iyo tashiilka maadaama Adduunku xiligan ay ka jirto xaalado saameeyay dhaqaalaha.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Golaha Xukuumadda, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hay’adaha Caalamiga ah, Ururada Bulshada, khuburo aqoon u leh qorsheynta, La-taliyeyaal iyo marti sharaf kale .

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQMWvsdPhk82NXDmXga3DSJnmyvRJhAri6lKJx51C9yuikaHk7hkOAsA8oqoAgInJhnq6rMl9PlzgbAmffV39uSZ.mp4

     

     

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.