Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Pope Francis oo ku baaqay in Somaliya Abaarta laga caawiyo
    Somalia

    Pope Francis oo ku baaqay in Somaliya Abaarta laga caawiyo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 14, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Pope Francis ayaa Axadii ku baaqay in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay ula dagaallami lahayd abaarta halista ah oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in ay barakicisay hal milyan oo qof.

    Baadariga oo 85 jir ah ayaa soo jeediyay waxa uu ugu yeeray “dhibaatada bini’aadantinimo ee halista ah” ee ka jirta Soomaaliya iyo qaybo ka mid ah waddamada ku xeeran isaga oo ka. hadlayay Vatican-ka.

    “Dadka gobolkan oo markii horeba ku noolaa xaalad aad u liidata, hadda waxay ku jiraan xilli ay dad u dhinteen abaarta,” ayuu yiri Pope Francis.

    “Waxaan rajeynayaa in si wadajir ah caalamku uga jawaabi karo xaaladda degdegga ah,nasiib darro, dagaalku wuxuu leexiyaa dareenka iyo kaalmadii, laakiin kuwani waa hadafyada u baahan ballanqaadka ugu badan – dagaalka ka dhanka ah gaajada, caafimaadka darrada, waxbarasha la’aanta.” ayuu raaciyay.

    Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Kenya ayaa waxaa ku habsaday abaartii ugu darneyd muddo ka badan 40 sano kadib afar xilli oo roobabkii ay di’i waayeen, taas oo sababtay inay xaalufaan dalagyadii iyo xoolihii.

    In ka badan 755,000 oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii, kuna barakacay gudaha Soomaaliyaa, kuwaasoo marka lagu daro kuwa dibadda u qaxay ka dhigaysa hal milyan, sida ay Khamiistii sheegeen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR iyo Norwegian Refugee Council (NRC).

    “Gaajo ayaa hadda ka jirta dalka oo dhan,” ayuu yiri Maxamed Cabdi oo ah madaxa NRC ee Soomaaliya.

    AFP.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.