Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland:-Golayaasha Deegaamada Degmooyinka la doortay oo kulmay
    Somalia

    Puntland:-Golayaasha Deegaamada Degmooyinka la doortay oo kulmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 12, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 12 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay tababarka Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo Qardho, Ufeyn iyo Eyl kuwaasi oo ah goleyaashii deegaan ee ugu horeeyay ee Shacabku kusoo doorto hal Qof iyo Hal cod.

    Madaxweynaha ayaa Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo la wadaagay shaqada adag, duruufihii iyo goโ€™aan qaadashada taariikhiga ah ee laga soo maray in uu hirgalo nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo maanta ay halkan ku fadhiyaan Xildhibaanadan codka shacabka.

    Wuxuu Madaxweynuhu u digey cidkasta oo isku dayda nooc walba oo carqaladeyn ah, oo lagu dhibaateynayo nidaamka dimuqraadiyadda isagoo muujiyay sida ay Dowladda uga goโ€™antahay uguna diyaargarowday in degmooyinka kale ee Puntland sidoo kale dhowaan laga qabto doorasho qof iyo cod ah, oo ay dadku soo doortaan goleyaashooda.

    Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo diyaar garowga ay ku jiraan, isagoo ugu baaqay Ururada Siyaasadda iyo dhammaan Shacabweynaha Puntland in la isu diyaariyo dhameystirka doorashada qof iyo cod ee degmooyinka Puntland.

    Nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland waa qorshe Dowladdu ay awooda ugu dhoweynayso Shacabka si ay usoo doortaan Madaxdooda, waxaana arrintaasi siweyn usoo dhoweeyay Shacabweynaha Puntland oo u arka riyo ay lahaayeen oo u rumowday. Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa muddada uu Tababarku u socdo la baraya Dowlad Wanaaga iyo metelaada Bulsho.

    Tababarka waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dimuqraadiyadda iyo Federaaleynta, waxaana kasoo qeybgalay Xildhibaanada Goleyaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl, Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland iyo Goleyaasha Dowladda Puntland.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.