Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland iyo IGAD oo isku afagaran waayay xaalka Laascaanood
    Somalia

    Puntland iyo IGAD oo isku afagaran waayay xaalka Laascaanood

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 11, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wafti sare oo ka socda Wadamada IGAD ,ayaa la filayaa in uu soo gaaro caasimada Puntand ee Garowe.
     
    Waftigan imaanshihiisa Garowe ayaa dhawr jeer oo hore isbadal ku yimid kadib markii Dowlada Puntland ay ka cudurdaaratay imaanshahooda.
     
    Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo imaanshaha waftiga IGAD ee Garowe,waxayna xogaha laga helayo madaxtooyada Puntland sheegayaan in mugdi ku jiro wali imaanshahooda.
     
    Puntland ayaa si cad u diiday in wax wadaxaajood ah ay ka gasho difaaca dhulkeeda,waxayna uxaqiijisay dhawr xiriir oo horay u dhexmaray inta taako dhulkeeda ah lahaysto aysan gorgortan iyo wada xaajood diyaar u ahayn.
     
    Wadamada IGAD oo fadhigii Golaha amaanka arimaha Somaliya uu ka yeeshay Khamiistii lasoo dhaafay loogu xilsaaray daminta colaada u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland,ayaa soo jeediyay in labada Ciidan lakala qaado,iyadoo Somaliland loo soo jeediyay in ay dib ugu laabato Ganbadhe halka Puntland loo soo jeediyay in ay farisiin ka samaysato inta u dhaxaysa Ganbadhe iyo Tukaraq.
     
    Balse waxaa soo jeedintaas ka gows adaygtay Puntland oo ku adkaysatay hadiiba ay waan waan ka galayso dhulkeeda in marka hore Somaliland ay iskaga baxdo guud dhulkeeda dibna ugu gurato xuduudkeeda ku beegan deegaanka Oog,taa badalkeedana waxay Puntland ogolaatay in aysan gudaha ugalayn Magaalada Laascaanood.
     
    Puntland ayaa soo jeedisay in gudi ka socda IGAD ay maamulaan magaalada ,isla markaana dadka deegaanka la waydiiyo rabitaankooda.
     
    Isku soo wada duuboo Waftigan ka socda Wadamada IGAD hadiiba ay dhabowdo in ay yimadaaan Puntland,ayaa imaanshahoodu ku salasynaan doonaa Dood iyo hogo tusaalayn,balse ma jiri doonto go’aan laysla qaatay oo la wada fulinayo xiligan. sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiinta Madaxtooyada Dowlada Puntland.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.