Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Puntland iyo loolanka Juquraafiga Siyaasadeed ee Caalamka
    Puntland

    Faallo:-Puntland iyo loolanka Juquraafiga Siyaasadeed ee Caalamka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 24, 2024Updated:December 24, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Caalamkan,waxaa hogaaminaya Danaha R.Galbeedka iyo Yuhuuda,waana lala dirirayaa Dalkii iyo Dadkii loo arko in ay caqabad ku noqon karaan.

    Waa loo jeedaa Islaamka Bariga Dhexe Sunni iyo Shiico kuu noqdaba in laga adkaaday oo meesha laga saaray Hogaamiye walba oo ay ku jirto aragti wax iska caabin.

    Somali hadaan nahay,waxaan la Qayb nahay Islaamka Bariga Dhexe oo waxaa naloo arkaa Dad caqabad ku noqon kara danaha Galbeedka iyo Yuhuuda.

    Dhamaan Dowladaha Islaamka ah ee jira dantooda gaarka ah,ayaa mudnaan uleh,waxayna u arkaan la Shaqaysiga Galbeedka in ay ku khasban yihiin.

    Dowladihii Islaamku,waxay ku tartamayaan u adeegida Galbeedka iyo noqoshada Dulaalka ugu fiican,waxaana tartankaas hormuud u ah Qatar,Turkiga oo dhinac ah iyo Imaaraadka,Sacuudiga oo dhinac ah.

    Somalida dhibka sii haysta,waxa uu yahay maleh Nidaam wada matala,isla markaana waxay ku midaysan yihiin majiraan.

    Hadaba reer PL,waxaa la gudboon in ay tooda ilaalsadaan oo gadaal uga dagaan baadigoobka Qaran Somaliyed.

    30-kii Sano ee udanbeeyay,waxay PL ku mashquulsanayd raadinta Qaran ilaa ay Villa Somaliya iyo Caasimadii dib ufariisisay Calankii.

    Balse,waa ku khasaareen,waxayna raadintaas ku kasbadeen cadow gudaha iyo mid dibada ah oo gaarsiisan in haldoorkooda la laayo oo loo arko Dad Somalinimada macno uleh.

    Haatan,waxaa nalaga rabaa in aan samayno Sadex Qodob oo kala ah….

    1.In aan ku mashquulno horumarinta Dhulkeena iyo Maamulkeena.

    2.In aan kala amaan helno Dowladaha dariska ah,isla markaana Galbeedku uusan noo arag wax ku taagan danahooda.

    3.In aan sii adkaysano xiriirkeena Imaaraadka,sababtoo ah Turkigu,waxa uu nagu yahay khatar markay timaado Fadaraalisimka iyo danhiisa gaarka ah.

    PL oo aan dhisanay oo leh Dastuur,Calan,Lacag iyo Adeeg fiican,ayaan gaari doonaa Somali oo wada kortay ama kala tagtay,lkn yaanan ku dul dumin Maanta.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.