Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Puntland iyo loolanka Juquraafiga Siyaasadeed ee Caalamka
    Puntland

    Faallo:-Puntland iyo loolanka Juquraafiga Siyaasadeed ee Caalamka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 24, 2024Updated:December 24, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Caalamkan,waxaa hogaaminaya Danaha R.Galbeedka iyo Yuhuuda,waana lala dirirayaa Dalkii iyo Dadkii loo arko in ay caqabad ku noqon karaan.

    Waa loo jeedaa Islaamka Bariga Dhexe Sunni iyo Shiico kuu noqdaba in laga adkaaday oo meesha laga saaray Hogaamiye walba oo ay ku jirto aragti wax iska caabin.

    Somali hadaan nahay,waxaan la Qayb nahay Islaamka Bariga Dhexe oo waxaa naloo arkaa Dad caqabad ku noqon kara danaha Galbeedka iyo Yuhuuda.

    Dhamaan Dowladaha Islaamka ah ee jira dantooda gaarka ah,ayaa mudnaan uleh,waxayna u arkaan la Shaqaysiga Galbeedka in ay ku khasban yihiin.

    Dowladihii Islaamku,waxay ku tartamayaan u adeegida Galbeedka iyo noqoshada Dulaalka ugu fiican,waxaana tartankaas hormuud u ah Qatar,Turkiga oo dhinac ah iyo Imaaraadka,Sacuudiga oo dhinac ah.

    Somalida dhibka sii haysta,waxa uu yahay maleh Nidaam wada matala,isla markaana waxay ku midaysan yihiin majiraan.

    Hadaba reer PL,waxaa la gudboon in ay tooda ilaalsadaan oo gadaal uga dagaan baadigoobka Qaran Somaliyed.

    30-kii Sano ee udanbeeyay,waxay PL ku mashquulsanayd raadinta Qaran ilaa ay Villa Somaliya iyo Caasimadii dib ufariisisay Calankii.

    Balse,waa ku khasaareen,waxayna raadintaas ku kasbadeen cadow gudaha iyo mid dibada ah oo gaarsiisan in haldoorkooda la laayo oo loo arko Dad Somalinimada macno uleh.

    Haatan,waxaa nalaga rabaa in aan samayno Sadex Qodob oo kala ah….

    1.In aan ku mashquulno horumarinta Dhulkeena iyo Maamulkeena.

    2.In aan kala amaan helno Dowladaha dariska ah,isla markaana Galbeedku uusan noo arag wax ku taagan danahooda.

    3.In aan sii adkaysano xiriirkeena Imaaraadka,sababtoo ah Turkigu,waxa uu nagu yahay khatar markay timaado Fadaraalisimka iyo danhiisa gaarka ah.

    PL oo aan dhisanay oo leh Dastuur,Calan,Lacag iyo Adeeg fiican,ayaan gaari doonaa Somali oo wada kortay ama kala tagtay,lkn yaanan ku dul dumin Maanta.

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    June 25, 2025

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.