Dadka reer Puntland,ayaa qaba in aysan qusayn Shirkii Mucaaradka iyo midka hada uu ku baaqay Mw Xasan Shiikh.
“Nama quseeyaan Waraaqaha Muxaafidka iyo Mucaaradka Xamar kasoo wada baxaya”Ayuu yiri mid ka mid haldoorka bulshada PL.
“Arimahan,waxay uyaalaan Bartamaha iyo Koonfurta,waagay soo kala haraan ama isqaataan,ayaan la geli doonaa wada xaajood”Ayuu yiri sarkaal ka tirsan Madaxtooyada PL.
“DFS iyo Jamhuuriyadii 3-Aad,waxay ku burburtay Gacanta Xasan Shiikh in dib wax loo wada dhisto ama sidaa lagu kala tagana,waxay ubaahan tahay wada hadal danbe”Ayuu yiri.Dhalinyarada PL mid ka mid ah oo aan waydiinay aragtidiisa.
“PL qayb kama noqonayso Mucaarad Kursi raadinaya,sababtoo ah,waxay raadinaysaa Kursi wax ka weyn oo ah masiir iyo mustaqbal Umadeed.”Ayuu yiri Wasiir ka mid ah Golaha Wasiirada PL oo aan su’aashaas waydiinay.
PL Sadex Sano ka hor ayay joojisay wada shaqayntii ay la lahayd DFS,iyadoo ucuskatay baalmartida Dastuurkii heshiiska lagu ahaa.
Waxaa muuqata in Shacabka iyo haldoorka Siyaasadeed ee reer Puntland ay ka midaysan yihiin ka fogaanshaha Xamar iyo in lasii wado Siyaasadii hore,waxaana jira niyad Jab weyn oo ay ka qaadeen helida Somali Qaran ah oo midaysan.
Warqadaha Villa Somaliya iyo tan Mucaaradka

