Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo dayactir ku sameysay wadada jayga ah ee isku xirta Burtinle iyo Xarfo+VIDEO
    Puntland

    Puntland oo dayactir ku sameysay wadada jayga ah ee isku xirta Burtinle iyo Xarfo+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 11, 2020Updated:January 11, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowlada Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), ayaa xariga ka jaray wadada jayga ah ee isku xirta Degmooyinka Burtinle iyo Xarfo, taas oo dib u habayn lagu sameeyey.

    Wasiir Cirro ayaa ugu mahad-celiyay Kambaniga Is-xilqaan dayactirka wadadan oo ay iska kaashadeen Shirkadda iyo Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Puntland, ayna adeegsadaan gaadiidka, kana leexata degaanka Far-janno.

    Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa ka dalbaday Darawalada Gaadiidka waa weyn inay ka jaraan sharmadaha gadaal ka jiitama gaariyaasha, kuwaas oo dhibaato ku ah waddooyinka, isagoona ugu baaqay laamaha ammaanka, Maamulada Degmooyinka iyo kuwa Gobalada in gaadiidka waa weyn laga jaro sharmadaha.

    https://www.facebook.com/saajid.cade/videos/2778979838820359/

    Dowladda Puntland ayaa dayactirka wadadan jayga ah oo dhererkeedu gaarayo 36-KM, ku bixisay 160 kun oo dollar, taas oo ah shidaalka gaadiid oo ay ku deeqday Shirkadda Is-xilqaan, waxaana lagu dhameeyay dayactirkeeda 75 maalmood.

    Wadada ayaa la sameeyay kaddib markii uu burburay laamiga weyn ee isku xira Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, kaas oo uu fashilmay kal hore Mashruucii lagu dhisi lahaa oo ay ku deeqeen midowga yurub iyo jarmalka, wallow Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu sheegay inay ku guuleysteen soo celinta Mashruuca wadadan, dhowaana la bilaabayo dhismaheeda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.