Siyaasiyiinta Xamar iyo Maamulka JL,waa ku degdegeen hanbalyada Laftagareen,waxayna muujinaysaa sida Bartamaha iyo Koonfurta Dalka fahanka Dowladnimo gaarsiisan yahay.

In Laftagareen lagala shaqeeyo Rogmashada Tareenka Xasan,waa dow,lkn in lagu garabsiiyo burburinta sharciyada KG dow mahan.

Shaqada socota ee Laftagareen ku badbaaday,waxaa qabtay PL iyo JL gudo iyo dibad hadana kuma raaci karaan sharcidaro.
Horay Laftagareen,wuxuu u aqbalay in Dastuurka KG la micnotiro oo Kursiga Madaxweyne layskaga fadhiyo,markale Maanta,wuu sii diciifiyay.
Balse PL,waa Geed fadhi iyo marjac loosoo laabto oo gaar ka haysa Dastuurada Dalka.
Isku miisaan,maqaam,faham iyo aragti ma ahan iyada iyo Maamulada Bartamaha iyo Koonfurta.
Marna PL ma hanbalyayn karto waxa ka dhacay Maanta Baydhabo ee sharcidarada ah.
Xasan sharcidaradiisa in la hor istaago,waa sax lkn sharcidaro kale laguma hor istaagi karo.
