Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo ka hadashay dilkii Taliyihii Sirdoonka G. Mudug
    Puntland

    Puntland oo ka hadashay dilkii Taliyihii Sirdoonka G. Mudug

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 19, 2019Updated:November 19, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa ka hadashay dilkii xalay Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Taliyihii Nabad Suggida iyo Sirdoonka Gobalka Mudug ee Puntland Col. Xaashi Aadan Cilmi.

    Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur (Daba-kariix), ayaa sheegay in laba dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bistoolado ay ka dambeeyeen dilka Taliyaha, oo ay Mas’uuliyadiisa Sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

    Sidoo kale, Guddoomiye Daba-kariix ayaa sheegay in dilka markii ay geysteen Dableydu, ay eryadeen Dhalinyaro labo ah oo la shaqeeya Dowladda Puntland, balse mid kamid ah ay dhaawaceen.

    Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Gobalka Mudug ayaa sheegay in kooxdani ay bambo ku tooreen Xarun u dhow halka uu ku yaallo Guriga Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland.

    Ciidanka amniga Puntland ayaa saaka howlgallo ka wada qeybo kamid ah xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, mana jirto war kasoo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan cid lagu qabtay Howlgalada ka socda Gaalkacyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.