Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo ka laabatay xukun dil ah oo ay horey ugu riday Madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Muqdisho+
    Puntland

    Puntland oo ka laabatay xukun dil ah oo ay horey ugu riday Madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee Muqdisho+

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 7, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida iyo dambiyadda culus ee dowladda Puntland ayaa maanta jebisay xukun dil ah oo horey loogu riday Ayuub Nuur Nuux oo ahaa madaxii amniyaadka Alshabaab ee magaalada Muqdisho, sida ay horey u shaacisay Maxkamadda darajada kowaad ee ciidanka qalabka sida.

    Ninkan oo lagu magacaabo Ayuub Nuur Nuux, ayaa 29-kii Bishii july ee sanadkii hore, lagu xukumay dil toogasho, kadib markii maxkamadu ay sheegtay inuu qirtay in uu dad badan ku laayay Muqdisho, qaar badana amarkiisa lagu dilay.

    Balse, Maxkamadda sare ee racfaanka Ciidamada qalabka sida iyo dambiyadda culus ee dowladda Puntland ayaa xukunkaas jebisay, waxayna ku xukuntay Ayuub Nuur Nuux shan sano oo xabsi ah.

    Ninkaan, ayaa kamid ahaa 13 eedeysane oo isugu jirtay Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo maanta maxkamada racfaanku 3 kamid ah ay ayiday xukunkooda dilka ah, halka 10 kalena ay ku riday xukuno xabsi ah oo kala duwan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.