𝗖𝗔𝗠𝗕𝗔𝗔𝗥𝗔𝗬𝗡:
Garowe: July 15, 2025: Waxaan si adag u cambaaraynaynaa Dawladda Federaalka ah oo maalmahan Gobollada Puntland ee nabadda ah ka dhex wadda “Hurin colaadeed, kicin bulsho iyo degenaansho la’aan”. Waxaan kaloo, sida ugu adag ugu cambaaraynaynaa Xukuumadda XSM in ay galabta Maleeshiyaad hubaysan oo ay soo abaabushay ay Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ka abuureen xiisad colaadeed, taas oo keentay dhimasho nafeed iyo Dhaawac.
Falkaan gurracan oo ah mid lagu dhabar-jebinayo halganka xaqa ah ee ay Dawladda Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS ee buuraha CALMIDKAAD iyo CALMADOW, wuxuu noqonayaa mid Dawladda Federaalka ah lagula xisaabtamo.
Waxaa nasiib darro ah in Xukuumadda XSM oo ku fashilantay dhamaan hawlihii loo igmaday inay iyadoo isticmaalaysa deeqihii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu talo galay ay qori dab leh kula dhex wareegto Gobollada Puntland ee nabadda ah, una soo jeensato wax dumin keli ah.
Waxaan ka tacsiyeynaa Dadkii ku dhintay dhacdadii galabta ka dhacday Degmada Dhahar, ilaahay ha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna alle ha u booga dhayo.
Ugu dambayntii waxaan ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland inay gacmaha isqabsadaan, midnimadooda iyo wadajirkoodana ilaaliyaan.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Website: moifad.pl.so
Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.
Twitter https: https://x.com/MOIFAD.
Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1.
Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..
