Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo laga Shirayo horumarinta Beeraha
    Puntland

    Puntland oo laga Shirayo horumarinta Beeraha

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 16, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 16 October 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyna Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa daahfuray shirka horumarinta Beeraha oo socon doona muddo laba maalmood ah iyada oo lagu soo aadiyay Xuska Maalinta cuntada Adduunka.

    Madasha ayaa lagu soo bandhigay cuntooyinka noocyadooda kala duwan ee ka baxa Beeraha gobolada Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari, Sanaag iyo Haylaan.

    Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Beeraleyda Puntland sida wanaagsan ee ay uga faa’iidaysteen khayraadka dalka isaga oo kula dar-daarmay inay sii xoojiyaan ka dowlad ahaana ay garab buuxa u yihiin Beeralayda dalka, sidoo kalena socdaan dedaalo dowladdu ugu raadinayso Beeralayda maalgashi balaadhan si ay ula jaan qaadaan Beeralayda gobolka.

    Munaasabada waxa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha, Maaliyada, Caafimaadka, Qorshaynta, Deegaanka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Warfaafinta, Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Biyaha iyo Tamarta, Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada, Hay’addo Caalamiya iyo masuuliyiin kale.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.