Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland oo laga xusay xarigjarka Biyo- xireenka Abay
    Puntland

    Puntland oo laga xusay xarigjarka Biyo- xireenka Abay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 7, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland Mudane Abdi Farah Juxa oo ka qaybgalay xafladda hordhaca munaasabadda xarig-jarka iyo maalgashiga Biyo-xireenka Abay ee dalka Itoobiya.

    Wasiirka Arrimaha gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland, Mudane, ayaa galabta ka qayb galay xafladda hordhaca munaasabadda dabaal-degga xarig-jarka iyo maalgashiga Biyo-xireenka Abay ee dalka Itoobiya.

    Munaasabaddan waxaa soo qaban-qaabisay Safaaradda Itoobiya ee ku taalla caasimadda Puntland, waxaana hoggaaminayey kusimaha Qunsulka Safaaradda, Mudane Yidnekachew Tekle .

    Intii ay socotay munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay hiddo-dhaqameedka dalka dariska aan nahay ee Itoobiya, iyadoo ay goobta kasoo qayb galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Duqa Degmada, shirkado ganacsi iyo marti sharaf kale.

    Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa si gaar ah u xusay muhiimadda iskaashiga Puntland iyo Itoobiya ee dhinacyada kala duwan Sida; siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga. Waxaa si gaar ah loo tilmaamay kaalinta muuqata ee Itoobiya ka geysatay Dagaalka lagula jiro argagixisada Daacish,Gargaarka caafimaad ee lagu Dawaynayay dhaawacyadii Ciidamadeena geesiyaasha ee ka dagaalamayay buuraha Calmiskaat, oo lagu daweynayay magaalada Addis Ababa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.