Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Oo Mulki Xuseen U Magacaabay Wakiilka Dowladda Puntland Ee Dalka Maraykanka.
Wareegto Madaxweyne oo Kasoo Baxday Madaxtooyada Dawladda Puntland ayaa lagu yiri;
Gaalkacyo 15 Agoosto 2024 โ Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 17, 14 Agoosto 2024, ku magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu Arkay :ย ย Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu Arkay:ย ย ย Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka.
Markuu Tixgeliyey:ย ย Aqoonteeda iyo Khibradeeda Shaqo.
Wuxuu Xeeriyey:
1. Waxaa Mulki Abdisamad Hussein loo magacaabay Wakiilka Dowladda Puntland ee Dalka Maraykanka.
2. Xeerkani wuxuuย dhaqangelaya Markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay.
ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ### DHAMAAD ###
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.
