SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:
Sida ku cad khariirada Saadaasha roobka ee toddobaadka 23–29 March waxay muujinaysaa in guud ahaan roobabku ay ahaan doonaan kuwo hooseeya ixtimaal ahaan inta badan deegaanada Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, qaybo ka mid ah gobolka Sanaag ayaa la filayaa inay helaan roobab u dhexeeya 50–100 mm, halka deegaanada Garoowe, Dhahar, Baargaal, Xaafuun, Ufayn, Taleex, Laascaanood, Dangorayo, iyo qaybo ka mid ah gobolka Mudug la filayo inay helaan roobab u dhexeeya 10–50 mm.
Talooyin iyo Digniino:
Bulshada ku dhaqan deegaanada la filayo roobabka dhexdhexaadka ah iyo kuwa sarreeya waxaa lagula talinayaa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, gaar ahaan:
- In laga fogaado meelaha biyo-mareennada ah iyo dooxooyinka inta lagu jiro roobabka
- In la qaado tallaabooyin ka hortag ah oo yareynaya halista fatahaadaha iyo biyo-ururka
Warbixintani waxay muhiim u tahay qorsheynta iyo u diyaargarowga bulshada si looga hortago saameynta suurtagalka ah ee roobabka.
