Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»PUNTLAND: SHAN SABABOOD OO GUUL U AH HAWLGALKA HILLAAC
    Puntland

    PUNTLAND: SHAN SABABOOD OO GUUL U AH HAWLGALKA HILLAAC

    𝕯𝖗. 𝐗𝐈𝐃𝐃𝐈𝐆By 𝕯𝖗. 𝐗𝐈𝐃𝐃𝐈𝐆January 15, 2025No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa qoray Wariye Cabdalla Axmed Muumin

    Dhammaadkii bishii Diseembar waxay Dowladda Puntland bilawday hawlgalka la dagaalanka argagixisada, kaasoo loogu magac daray Hillaac.

    Wax ka yar bil, wuxuu hawlgalkaan ku xaqiijiyay guulo waaweyn, oo aan horey loogu arkin taariikhda hawlgalladii ka dhici jiray Soomaaliya. 

    Taariikhda inta aan xusuusan karno, guulaha waaweyn ee laga soo hoyay buuraleyda Cal Miskaad, oo ah goobta uu hawlgalka ka socday muddada afarta toddobaad, waxaa lagu barbar dhigi karaa mid la mid ah jabkii weynaa ee kooxda Shabaab ka raacay Muqdisho Agoosto 2011, ee sababay in kooxdu dib ugu gurato Shabeellaha Hoose.

    Haddaba, maxay tahay sababaha waaweyn ee keenay guulahan wax-ku-oolka ah ee laga gaaray hawlgalka Hillaac?

    Markii aan daraaseeyay, waxaan shakhsiyan ku soo ururiyay shantaan (5) sababood:

    𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚 𝟏𝐚𝐚𝐝: Hawlgalku wuxuu ku saleysnaa qorshe la diyaariyay, oo waqti, darsid, ka baraandeg iyo xeelad ba lagu wajahay. Ma ahayn hawlgal maalin iska qarxay. 

    Tani waa kala duwanaanshaha weyn ee u dhexeeyo hawlgalkii koonfurta ka bilawday 2022, iyo midkaan hadda ka socda Puntland. (Aan ku xusuusiyo, bishii Sebteembar 2022, hawlgalkii ka bilawday gobolka Hiiraan ee Macawisleyda Hiiraan ay billaabeen wuxuu mid dadka shacabku billaabeen, oo wax dowlad ahi oo qorshihiisa iyo bilawgiisa ku lug lahaa ma jirin.)

    𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚 𝟐𝐚𝐚𝐝: Illaa hadda waxaa hawlgalka Hillaac hoggaaminaya dowladda, ciidanka dagaalamayana waa ciidamada dowladda ee kala duwan. Tani waa muhiim. Ma jiro hawlgal militari ama guluf dagaal oo baaxaddaas leh oo dad shacab ahi wadi karaan. Puntland, waxay halkan u muuqataa mid si weyn uga faa’idetysatay jabkii Xasan Sheekh iyo maleeshiyo beeleedkiisa ka soo gaaray hawlgalkii koonfurta, kaasoo iska daaye wax kale sababay in ciidamadii dowladdu burburaan, halka maleeshiyo qabiil uu faraha u galay hubkii iyo rasaastii.

    Way jirtaa dood ah maleeshiyo beeleedka in loo baahan yahay si loogu xoojiyo ciidamada, ugana taageeraan dhanka sahanka maadaama ay dhulka kala yaqaanaan. Aragtidan waa mid macquul ah, laakiin ma jirto adduunka dowlad hub siisa maleeshiyo oo aan khasaare kala kulmin. Maleeshiyo beeleedka waa in la qarameeyo, oo aan iyaga goonigooda oo soocan la hubeynin. 

    𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚 𝟑𝐚𝐚𝐝: Sabab kale oo hawlgalka Puntland ku guuleysanayo waa in la heley taageerada shacabka guud ahaan #Puntland iyo gaar ahaan kuwa gobolka #Bari maadaama kooxda Daacish ay dhibaato weyn ku hayaan ganacsatada, xoolo dhaqatada, kalluumeysatada oo ay dhammaan baad ka qaadi jireen, macdantana guran jireen, halka ay xoolahana ka xoog kaga kexeystaan reer miyiga.

    𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚 𝟒𝐚𝐚𝐝: Dowladda Puntland waxaa kaloo caawinaya wacyiga dadka oo is bedelay. Dadka waxay hadda dareemeen inaanay jirin cid kale oo u maqan, gaar ahaan markii la dareemay inaanay jirin wax rajo ah oo XAMAR kasoo fool leh oo aan ka ahayn lug gooyo iyo xasadnimo. Waxay u dhigmi kartaa kacdoon dadweyne oo iskiis u bilawday. Tani waa fursad dahabi ah oo mar soo bax ah oo ay tahay in si sax ah loo weeleeyo, loogana faa’ideysto, lagana ilaaliyo in shacabku niyad jabaan. 

    Haddaad xusuusato, fursad tanoo kale waxay soo martay Dowladdii #Farmaajo markii uu dhacay qaraxii 14 Oktoobar 2017, markaasoo dadweynaha — gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed — ee ku nool dal iyo dibad ay kacdooneen, una diyaargaroobeen in lala dagaallamo Shabaabka, balse dowladdii ay ka faa’ideysan weysay, sidaasna ku shiiqay kacdoonkii dhallinyarada. 

    Gabdhaha sabaayadda dubaya, reer miyiga xoolaha bixinaya, ganacsatada lacagta ku deeqeysa, isbitaallada dhaawaca daaweynaya, warbaahinta iyo dhallinyarada dhiirigelinta ka wada baraha bulshada waa fursad qaali ah oo ay maanta haysato Dowladda Puntland, waana in si sax ah looga faa’ideystaa.  

    Ogow taageerada niyadeed ee la siiyo ciidanka waa qeyb laxaadleh oo horseeda guusha ciidanka. 

    Sidoo kale, dadka yar ee weli cabsidu heyso ee ka baqanaya oo ganacsato, culimo iyo dad kalaba leh, waa in loo dammaanad qaadaa amnigooda. 

    𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚 𝟓𝐚𝐚𝐝: Waxaa kaloo muhimmad iyo micne u yeelay hawlgalka #Hillaac inuu leeyahay warbaahin u gaar ah oo lagala socon karo si joogto ah, taasoo si deg deg ah ku faaftay, gaartayna dhammaan bulshada maanta casriga ah meelkasta oo ay joogaan. Qiimeyteyda, heerka macluumaad bixinta ee hawlgalku wuxuu qariyay oo ka awood batay kii ay Daacish sameyn jirtay. 

    Saraakiisha maamulaya hawlgalka #Hillaac qeybta warbaahinta waa inay ku kordhiyaan la shaqeynta suxufiyiinta iyo warbaahinta – kuwa gudaha iyo kuwa caalamiga – oo la geeyo goobihii la xorreeyay, suxufiyiintana loo sahlo inay sheekooyin iyo warbixinno kasoo sameeyaan dhulka intiisa xorta ah ee ammaanku saamaxaayo in la booqdo. 

    𝐃𝐈𝐆𝐓𝐎𝐎𝐍𝐈 𝐐𝐀𝐀𝐃𝐀𝐒𝐇𝐎

    Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in (Mingistu) Xasan Sheekh iyo kooxdiisu aysan ku faraxsaneyn guulaha hawlgalka Dawladda Puntland. Tani waa caadadiisa Xasan ee ceebtiisu ma ahan, wuxuuse isku dayi doonaa siduu hawlkgalka u xagal-daacin lahaa. 

    Waa in shacabka iyo Dowladda Puntland ka taxaddaraan dhagarta Xasan iyo kooxdiisa musiibada ah kasoo fool leh.


    WQ:// Cabdalle Axmed Muumin

    Abdalla Ahmed Mumin Hilaac Operation ISIS Islamic State (IS) Puntland Puntland counter-terrorism operations Soomaaliya
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.