Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Putin ma waxuu damacsan yahay in uu awood dheeriya u isticmaalo Ukrain?
    Somalia

    Putin ma waxuu damacsan yahay in uu awood dheeriya u isticmaalo Ukrain?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 9, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guuldarrooyinka militari ee Ruushka ee Ukraine, oo ay weheliso cunaqabatayn dhaqaale ee curyaamisay, ayaa waxay u badan tahay inay ku dhiirageliso madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu dagaalka magaalada Kyiv u adeegsado awood culus.

    Sida lagu sheegay qiimayntii ugu dambaysay ee saraakiisha sirdoonka Mareykanka, wuxuu Putin sidoo kale adeegsan doonaan awood aan kala sooc lahayn.

    Saraakiishu waxay sawir aan fiicneyn ka bixiyeen xaaladda Ukraine Talaadadii intii lagu jiray dhageysiga Congress-ka oo ku saabsanaa qiimeynta khataraha sanadlaha ah ee sirdoonka Mareykanka, iyagoo ka digaya in kasta oo ay sii kordhayaan iska caabbin adag, magaalooyin badan ay wajihi doonta rajo xumo sii kordheysa.

    Caasimadda Ukraine ee Kyiv ayaa laga yaabaa inay ka dhammaan karaan cuntada iyo biyaha muddo 10 maalmood gudahood ah, sida ay sheegeen sirdoonku.

    “Waxay xaaladdu noqon doontaa wax aad u fool xun toddobaadyada soo socda,” ayuu yiri agaasimaha CIA-da William Burns, isaga oo ku tilmaamay Ukraine “arrin ku saabsan xukun oo hoggaamiyaha Ruushku si qotodheer oo shakhsi ah u taabaneysa.

    “Putin waxaa ka go’an inuu xukumo Ukraine, iyo inuu qaabeeyo jihada ay hiigsaneyso,” ayuu sii raaciyay agaasimaha CIA-da Burns.

    Saraakiisha sirdoonka, iyo kuwa Pentagon-ka ayaa maalmihii la soo dhaafay, tilmaamay niyad-jabka sii kordhaya ee ciidamada Ruushka, kaas oo gaaray ilaa Putin, oo filayay in Kyiv ay ku dhaco gacanta Ruushka hal ama laba maalmood gudahood, laakin taa baddalkeeda, ciidamada Ruushku ay arkeen duullaankoodii oo istaagay iyagoo la il daran inay fuliyaan waxa ay saraakiisha Maraykanku ku tilmaameen qorshe si xun loo qaabeeyay, iyo sidoo kale dhaawacyada inta u dhaxaysa 2,000 iyo 4,000.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.