Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Putin oo jiritaanka Ukraine Ee Dalnimo inkiray
    Somalia

    Putin oo jiritaanka Ukraine Ee Dalnimo inkiray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine xilli duulaanka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka deriska la ah uu wajahayo iskacaabin xooggan, islamarkaana dhaqaalaha dalkiisa ay cunaha qabteen cunaqabateeno sii kordhaya.

    Dadaalladii ugu danbeeyey ee Mosow looga hakinayo dhaqaalaha adduunka, ayaa shirkadaha nidaamka lacagaha la isugu gudbiyo ee Visa iyo Mastercard ee fadhigeedu yahay Mareykanka waxay ku dhowaaqeen inay hakinayaan howlahoodii Ruushka.

    “Mas’uuliyiinta Ukraine waa inay fahmaan in haddii ay sii wadaan waxay ay sameynayaan, inay su’aal gelinayaan mustaqbalka dalnimo ee Ukraine,” ayuu yiri Putin.

    “Haddii ay sidaas dhcadana, ayagaa ayaa si buuxda mas’uul uga noqon doona.”

    Kyiv ayaa ugu baaqday Reer Galbeedka inay sare u qaadaan kaalmada militari ee ay siiyaan, oo ay ka mid yihiin diyaraadaha dagaalka.

    Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale ka codsaday dalalka dersika la ah ee Yurubta Bari inay siiyaan diyaaradaha ay Ruushka sameeyeen oo duuliyayaasha Ukraine loo tababaray inay duuliyaan.

    Dhinaca kale, qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa werisay in Washington ay ka shaqeyneyso heshiis ay la galeyso Warsaw, kaasi oo Poland ay Ukraine ku siineyso diyaaradaha dagaalka ee xilligii Soviet-ka, looguna beddelayo kuwa F-16 ee Mareykanku sameeyo.

    Islamarkaana, Putin ayaa xoojiyey digniinta uu ujeedinayo NATO, isaga oo ku hanjabay dagaal baaxad weyn, haddii aag duulimaadyada ka caagan la hirgeliyo.

    Ayada oo Zelensky uu NATO ku dhalleeceeyey inay meesha ka saareen aag duulimaadyada ka caagan, ayaa Putin wuxuu ka hadlay “cawaaqib musiibo oo baaxad weyn, oo aan ku dhici doonin oo kaliya Yurub balse sidoo kale dunida oo dhan,” haddii tallaabo noocaas ah la qaado.

    “Dhaqdhaaq kasta oo loo qaado jihadan waxaan u arki doonnaa ka qeybgal dagaalka hubeysan ah oo uu sameeyey dalkaas,” ayuu yiri Putin.

    Isaga oo cambaareynaya xayiraadaha Reer Galbeedka, hoggaamiyaha Ruushka ayaa yiri “In badan oo ka mid ah waxa nalagu sameynayo waa hab dagaal loogu qaadayo Russia.”

    “Cunaaqabateenada ka dhanka ah Ruushka waxay la mid yihiin iclaamin dagaal. Balse nasiib wanaag heerkaas ma aynan gaarin,” ayuu yiri Putin.

    Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale ku gacan sayray warar la isla dhex-marayo oo sheegaya in Kremlin-ka uu qorsheynayo in xeer militari uga dhowaaqo Ruushka.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.