Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Putin oo ka hadlay jabkii Ciidamadiisa kasoo gaaray dagaalka Ukrain
    Somalia

    Putin oo ka hadlay jabkii Ciidamadiisa kasoo gaaray dagaalka Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 17, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Putin ayaa ku adkeystay in weeraradii ugu dambeeyay ee Ukraine aysan waxba ka bedeli doonin qorshaha militari ee Ruushka.

    Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in lix maalmood gudahood ay gobolka waqooyi bari ee Kharkiv ay ib ula wareegeen in ka badan 8,000 kilo mitir oo laba jibaaran

    Putin ayaa sheegay in aanu wax degdeg ah qabin, wuxuuna intaa ku daray in Ruushku aanu ilaa hadda ciidamiisa oo dhan dagaal gelin.

    “Hawlgalka iyo weerarka Donbas ma joogsanayo, wey sii soconayaan laakin si xawli ah uma soconayaan oo si tartiib tartiib ah ayay dhul badan u qabsanayaan,” ayuu yiri ka dib shir madaxeed ka dhacay Uzbekistan.

    Gobolka Donbas ee wershadaha ee bariga Ukraine ayaa ah halka Ruushka diiradda u saaran ka dib duulaanka Ukraine, kaasoo Mr Putin uu si been abuur ah u sheegay inay lagama maarmaan tahay in dadka ku hadla afka Ruushka laga badbaadiyo xasuuqa.

    Qaybo ka mid ah Donbas waxa qabsaday gooni u goosad uu Ruushku taageerayay tan iyo 2014. Gobolka Kharkiv, oo ah goobta uu dhawaan ka dhacay weerarka rogaal celiska ah ee ay Ukraine ku qaadday ciidamada Ruushka, ayaan qayb ka ahayn Donbas.

    Khudbaddii Jimcaha, Mr Putin wuxuu sidoo kale tilmaamay in keliya qayb ka mid ah ciidamada Ruushka ay ka dagaalamayaan Ukraine, isagoo ku hanjabay inay “jawaab ka sii daran” ka bixin doonaan haddii weerarrada Ukraine ay sii socdaan.

    “Waxaan idin xasuusinayaa in ciidamada Ruushku aysan dhammaantood dagaal gelinโ€ฆ Kaliya ciidanka xirfadlayaasha ah ayaa dagaalamaya.”

    Ruushka ayaa markii hore gaashaanka u daruuray in ciidamo loo soo diro dalka Ukraine, balse dhowr sarkaal ayaa la ciqaabay ka dib markii ay soo shaac baxeen kiisas la xiriira askar lagu qasbay in ay saxiixaan qandaraasyo iyo mararka qaar maxaabiis ahaan.

    Ilaa hadda, Ruushku si rasmi ah uguma dhawaaqin dagaal ka dhan ah Ukraine, kaliya waxa uu duullaankiisa ku tilmaamay “hawlgal milatari oo gaar ah”.

    Laakiin ka dib khasaarihii dhowaan soo gaaray Ruushka, qaar ka mid ah dadka ka faallooda Kremlin-ka ayaa ku baaqay in ciidamo dheeraad ah la abaabulo.

    Muuqaal dhowaan la soo bandhigay oo u muuqda inuu muujinayo isku day lagu doonayay in dembiilayaal la askareeyo iyadoo la isticmaalayo shirkad milatari oo gaar ah waxayna taasi dadka falanqeeya arrimaha amniga ku tilmaameen in Ruushka uu uu dhibaato ka maraya inuu helo rag ku filan oo diyaar u ah inay dagaalamaan.

    Tan iyo duulaankii Ruushka ee bishii February waxaa dhif ahayd in Mr Putin uu ka baxo Ruushka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.