Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Putin oo qorshaynaya weerar xoog badan kadib guul darooyin kasoo gaaray dagaalka Ukrain
    Somalia

    Putin oo qorshaynaya weerar xoog badan kadib guul darooyin kasoo gaaray dagaalka Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 11, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sirdoonka Mareykanka ayaa ka digay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu isku diyaarinayo in dagaal weyn oo dabo dheerado uu ku qaado dalka Ukraine iyadoo laga guuleystay ciidamadiisa ku sugan bariga dalkaas isla markaana ay suurrtogal tahay in colaadda Ukraine aysan soo afjarmin.

    Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dagaallo ba’an ay ka socdaan bariga Ukraine, halkaasoo Ruushka uu isku dayayo inuu qabsado dhul ballaaran.

    Moscow ayaa dib u habeyn ku sameysay ciidamadeeda doonayo inay la wareegaan gobolka Donbas ka dib markii Ukraine ay iska caabisay ciidamada Ruushka oo waday isku day ay ku doonayeen inay ku qabsadaan caasimadda Kyiv.

    Laakiin iyadoo ay taasi jirto, haddana ciidamada Ruushka ayaa u muuqda kuwa jahwareersan,sida ay sheegeen sirdoonka Maraykanka.

    Avril Haines, oo ah agaasimaha sirdoonka Mareykanka, ayaa u sheegtay guddiga Senate-ka Mareykanka oo dhageysanayay arrinta ku aadan in Putin uu weli damacsan yahay “inuu gaaro hadaf ka baxsan qabsashada gobolka Donbas isla markaana uu farqi u dhexeeyo wixii uu ka damacsanaa dagaalka iyo awoodda militeri ee Ruushka ee haatan”

    Waxay intaa ku dartay in madaxweynaha Ruushka “malaha” uu ku xisaabtamayay taageerada Mareykanka iyo Midowga Yurub ee Ukraine si loo wiiqo awoodda Ruushka iyadoo uu sare u kacay sicir-bararka, cunto yarida iyo qiimaha tamarta ee Ruushka.

    Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Ruushka uu xaaladda u baddali karo ‘mid halis ah’ maadaama dagaalka sii socdo – in kasta oo Moscow ay isticmaali doonto hubka nukliyeerka haddii Putin uu arko in halis ay kusoo wajahan tahay dalkiisa.

    Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Difaaca Scott Berrier ayaa u sheegay guddiga Senet-ka in Ruushka iyo Ukraine ay “isku ismari la’yihiin” dagaalka.

    Ukraine ayaa sheegtay inay dib u qabsatay afar deegaan oo ku yaalla waqooyi bari gobolka Kharkiv.

    Magaalooyinka Cherkasy Tyshky, Ruski Tyshky, Rubizhne iyo Bayrak ayaa dhamaantood lagala wareegay ciidamada Ruushka, sida uu sheegay militeriga Ukraine.

    Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa sheegay in guulaha Ukraine ay horseedayaan si tartiib tartiib ah in ciidamada Ruushka looga saarayo Kharkiv, halkaasoo uu Ruushka duqeynayay tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.