Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qalab lagu ogaanayo caanaha iyo daawooyinka been abuurka ah oo la soo saaray.
    Somalia

    Qalab lagu ogaanayo caanaha iyo daawooyinka been abuurka ah oo la soo saaray.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 10, 2017Updated:December 10, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qalabka tegnoolajiyada casriga ah ayaa la sheegayaa in looga hor tegi karo caanaha carruurta ee la been abuuro iyo dawooyinkaba.
    “Waxaan aad uga cabsi qabaa waxyaabaha caruurta ee la been abuuray,” ayey tidhi Zeng oo gabadheeda ay 11-jir tahay.
    Waxay ka walaacsan tahay dhibaatada caafimaad ay gabadheeda wajihi karto ee ka dhalan kara caanaha la been abuuray ee aan ahayn kuwa saxda ah.

    Walwalkeeda wuxuu muujinayaa fadeexadda ballaadhan ee aadanaha dhankiisa ka timaada ee caalamka oo dhan hadda ka jirta, waxaana la arkay alaabo been abuur ah oo laga faa’iday malaayiin dollar, suuq fiicanna yeeshay.
    Haddii dharka been abuurka ah ay saameeyaan lebiska oo keli ah, dawada la been abuuray waxay qofka u geysan kartaa dhibaato wayn.

    Balse qalab casriga ah ee tiknolojiyadda ah ayaa la sheegay in looga badbaadi karo. Qalabka waxaa loogu magacdaray blockchain. Waxaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo sax ahaanta cuntada caruurta, dawada iyo yareynta ka ganacsiga dheemanka gaduudan.

    Qalabka wuxuu sidoo kale gacan ka geysanayaa in kalluunka la dhoofiyo uu ahaado mid aan xumaan.
    Zeng iyo seygeeda Shi waxay deggan yihiin magaalada Jiaxing, halkaas oo ay ku nool yihiin 1.2 milyan oo qof, magaaladaasi kama foga Shanghai. Iyaga iyo waalidiinta kale ee cusub waxay ka baqayaan caanaha warshadeysan ee caruurta, ka dib markii sannadihii la soo dhaafay la arkay kuwo wasaqeysan.

    Waxaa lagu daraa walax ka sameysan Melamine si tijaabada dowladda ee dhanka nafaqada ay u noqoto mid sax ah. Balse maadadaasi waxay sababtaa in dhagxaan ay kelyaha galaan ama in ay shaqada oo dhan gabaan.
    Sannadkii 2008, qiyaastii 300,000 oo caruur ah ayaa xanuunsaday ka dib markii ay cabeen caano lagu daray Melamine, waxaana markaas ka dib bilowday cabsi ballaadhan.

    “Si buuxda uma aamini karo baqaarada, suuqyada waawayn ama xittaa internet-ka. Waan ogahay mararka qaar in dadka ay waxkasta u sameynayaan lacag darteed,” ayey tidhi Zeng.

    Balse waxay ogaatay in blockchain loo adeegsan karo in lagu xaqiijiyo sax ahaanshaha caanaha iyo cuntada caruurta. Iyadoo adeegsaneysa telefoonkeeda oo lagu xidhay qalab yar oo xaqiijinaya waxa ay alaabta tahay.

    Xarig yar ayaa lagu xirayaa gasaca ama daasadda caanaha caruurta, sida uu sheegay Alexander Busarov, madaxa fulinta shirkadda qalabka sameysay.

    Qalabka wuxuu u shaqeynayaa sida anteeno si uu ugu xirmo wax yar oo lagu dhejiyo telefoonka nooca casriga ah. Wuxuu lambar cusub u sameynayaa alaabta lagu eegayo, xaqiijintana waxay qaadaneysaa illaa laba ilbidhiqsi, sida uu tilmaamay Mr Busarov. Ka dib waxaad heleysaa natiijada oo faafaahsan, sawir iyo meesha alaabta lagu sameeyay.
    Blockchain waa qaab wanaagsan oo lagu ogaado xitaa dawada, sida ay tilmaamtay Suzanne Somerville oo ka tirsan mashruuca MediLedger oo arrimaha shaybaadhada ka shaqeeya.

    Qalabka Blockchain waxaa hadda isticmaala illaa toban shirkadood oo sameeya dawada oo ku yaalla Mareykanka. Sidoo kale laba dukaan oo iibiya boqolkiiba 50 dawada Mareykanka ayaa sameystay qalabkan.
    Blockchain waxaa sidoo kale loo adeegsadaa ka hortagga kooxaha hubeysan ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika kuwaas oo dagaalka ku saleysan dheemanka sanadkastaa ka faa’ida $3m illaa $6m oo dollar, sida ay sheegtay shirkad fadhigeedu yahay Washington DC.

    Sanadkii 2003-dii, Qaramada Midoobey ayaa sameysay hannaan ay 81 dal uga hortagi karaan “dheemanka cas” ee dhaqaalaha ay ka helaan kooxaha hubeysan.

    Sidoo kale waxaa la sameeyay mushruuc ay $80 bilyan oo dollar, oo lagu ansixiyo dheemanka, si looga hortago midka aan saxda ahayn ee suuqyada soo gala. Laakiin waxaa la ogaaday in laaluush lagu heli karo warqadaha cadeymaha ah.

    Abdirisak Jubba -Idilnews.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.