Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qamadiga Ukrain ku xaniman oo laga shirayo sidii loo fududayn lahaa
    Somalia

    Qamadiga Ukrain ku xaniman oo laga shirayo sidii loo fududayn lahaa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 21, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub,ayaa kulan ay ku yeesheen dalka Luxembourg waxay kaga wada xaajoodeen sidii loo fududayn lahaa in malaayiinta ton ee sarreenka ah ee ku xanniban dalka Ukraine inay gaaraan dalalka loo wado, ka dib markii dalka Ruushku uu xannibaad ku soo rogay dekedaha Ukraine ee ku yaalla Badda Madow.

    Ukraine oo ka mida dalalka ugu badan ee soo saara sarreenka dunida laga isticmaalo ayaa haatan awoodi wayday inay sarreenkeeda debedda u dhoofiso. In ka badan 20 million oo ton oo sarreen ah ayaa ku xanniban dekedaheeda, tan iyo wixii ka dambeeyey duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalkaas.

    Moscow ayaa iyadu iska diiday in dalkeedu uu ka masuul yahay qalalaasaha dhinaca cuntada ee caalamka ka taagan, iyaga oo taas bedelkeeda ku eedeeyey in cunaqabataynada ay soo rogeen Wadamada reer Galbeedku inay keentay cunto yarida ka jirta caalamka.

    Wasiirada Arrimaha Debedda ee Midawga Yurub ayaa haatan ka fekeraya sidii arrintaas xal looga gaadhi lahaa, waxaana qorshayaasha laga wada hadlay ku jira in Qaramada Midoobay ay door ka cayaarto sidii ay Moscow ugu qancin lahayd inay xannibaadda ka qaaddo dekedaha Ukraine, si debedda loogu dhoofiyo sarreenka, halka taas bedelkeeda loo ogolaanayo dalka Ruushku inuu wadamada caalamka u dhoofiyo cuntooyinka uu soo saaro iyo waxyaabaha beeraha lagu bacrimiyo.

    Turkiga oo xidhiidh dhow la leh Ruushka iyo Ukraine ayaa sheegay inay kormeeri doonaan dhaqangalka heshiiska, haddii heshiis la gaadho.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.