Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaraar taageero u ahaa Muslimiinta Shiinaha oo hiil waayay
    Somalia

    Qaraar taageero u ahaa Muslimiinta Shiinaha oo hiil waayay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 7, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay,ayaa ku guul daraystay inay meel mariyaan qaraar la doonayey in sannadka danbe dood laga yeesho, oo lagaga hadlo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay gobolka Xinjiang, ee dalka Shiinaha, tacadiyadaas oo si gaar ah loogu geysto qowmiyadda Uyghur iyo muslimiinta kale ee gobolkaas ku nool.

    Qaraarkan oo la soo hordhigay inay u codeeyaan 47-ka xubnood ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa 17 ka mid ahi waxay taageereen in sannadka dambe dood laga yeesho, halka 19 dal ay ka hor yimaadeen, waxaana qaraarkan ka aamusay 11 xubnood.

    Ka hor intii aan codaynta la bilaabin, qaar ka mida dalalka xubnaha ka ah golahan ayaa si adag u soo bandhigay mowqifkooda ku aaddan qaraarkan qabyada ah, iyo muhiimadda uu u leeyahay in goluhu taageero. Maraykanka oo ka mid ah toban dal oo reer Galbeedka ah oo dabada ka riixayey qaraarkan ayaa golaha soo hordhigay.

    Cadaadis uu saaray dalka Shiinuhu illaa 13 waddan oo Afrikan ah ayaa faa’iido u noqotay ama horseedday inaan la meelmarin qaraarkan. Sideed dal ayaa ka hor yimi qaraarka, halka afar dalna ay ka aamuseen, Soomaaliya ayaa noqoday dalka keliya ee ku yaalla Afrika ee qaraarkan taageeray.

    Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah, in afar dawladood oo muslimiin ahi inay ka horyimaadeen qaraarkan, halka dawlad kale oo muslin ahina ay ka aamustay.

    Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Taylor ayaa xustay in caddaymaha muujinaya xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhacay gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha in lagu soo bandhigay warbixintii Qaramada Midoobay ee la soo saaray bil ka hor. Waxay intaas sii raacisay, inay muhiim tahay in madal dhexdhexaad ah lagu qabto dood arrintaas ku saabtan.

    Warbixin ay soo saartay bishii August 31-keedii, madaxii hore ee Golaha Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay Michelle Bachelet, waxay ku xustay caddaymo muuqda oo ka hadlaya jidh-dil, bahdilaad, xadgudubyo galmo, ama xadgudubyo jinsi oo ka dhan ah qowmiyadda laga tirade badan yahay ee Uyghur. Warbixinta ayaa ku sheegtay in xadgudubyadaasi, inay gaadhsiisnaan karaan illaa heer lagu tilmaamo, xadgudubyo ka dhan ah bini’aadantinimada.

    In ka badan hal milyan oo ah qowmiyadda Uyghurs iyo kooxo kale oo muslimiin ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku xidhan yihiin, waxa loogu yeedho xarumaha farsamada gacanta ee gobolka Xinjiang. Shiinaha ayaa si joogto ah u dafira eedahaas, isagoo markale ku heliyey isla fariintaas.

    Danjiraha Shiinaha u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay ee ku yaalla Geneva ayaa sheegay in hindidaha qabyada ahi uu yahay mid siyaasadaysan oo uu Maraykanka iyo dalalka kale ee reer Galbeedku ay dabada ka riixayaan, wuxuuna ku eedeeyey inay been abuur sameeyeen, isla markaana ay Shiinaha ka faafiyeen warar aan sugnayn.

    Dalka Shiinaha ayaa cadaadis badan ku haya muslimiinta ku nool gobolka Xinjiang.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Kulamada Xasan iyo samata bixinta Yay ugu badisaa sii socoshadooda?

    July 3, 2025

    Kulankii Xasan iyo Golaha Samata bixinta oo fashilmay

    July 3, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Deni Ee Dhagaxdhigida Wadada

    July 3, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Kulamada Xasan iyo samata bixinta Yay ugu badisaa sii socoshadooda?

    Kulankii Xasan iyo Golaha Samata bixinta oo fashilmay

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Deni Ee Dhagaxdhigida Wadada

    Madaxweyne Deni oo Dhagax-dhigay Wadada Galkacyo-Xarfo

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    Sidee u aragtaa BC PL oo noqota Dowlad gaar ah ?

    Wararkii ugu danbeeyay Dabka ka kacay Buuraha Ceerigaabo

    Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada Xoriyada

    Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.