Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaramada Midoobey oo war saxaafadeed kasoo saartay xiritaankeeda Xarunta duulimaadkeeda
    Somalia

    Qaramada Midoobey oo war saxaafadeed kasoo saartay xiritaankeeda Xarunta duulimaadkeeda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 26, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Codsi kaga yimid Dowladda Soomaaliya awgiis, ayay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay xirtay xarunteeda halwgallada rakaabka (ee loo yaqaano MOVCON) ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, laga billaabo 24ka Diseembar 2021.

    Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee labada geesoodka ah ee la xiriira ee ay saxiixeen hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska Xuquuqda iyo Xasaanadaha Qaramada Midoobay.

    Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta, waxaana ka xunnahay in amarkan xiritaaanka si degdeg ah oo lama filaan ah loo soo saaray iyadoo aan wadatashi hore oo ku filan laga samaynin.

    Waxaan sida oo kale uga  xunahay in xiritaanka sida muuqata ay sabab u tahay eedeymo aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin Qaramada Midoobay si loogu sameeyo baaritaan. Wadahadallo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lala yeesho madaxda Dowladda Federaalka. 

    Qaramada Midoobay waxaa weli ka go’an wadashaqaynta ay la leedahay Soomaaliya iyo in ay sii waddo caawinta dadkeeda, taaso ay jiraan carqaladahan ka dhan ah hawlgalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.