Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qatar oo Bilaayiin Dolar ku kabaysa Dhaqaalaha dhibaatadu wajahday Ee Turkiga
    Somalia

    Qatar oo Bilaayiin Dolar ku kabaysa Dhaqaalaha dhibaatadu wajahday Ee Turkiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 25, 2022Updated:November 25, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Turkey iyo Qatar,ayaa ku guda jira marxaladdii ugu dambeysay wadahadallo ay Doha ku siineyso Ankara $10 bilyan oo maal-gelin ah, oo ay ku jirto $3 bilyan oo la siinayo kahor dhammaadka sanadka, waxaa sidaas Reuters u sheegay saraakiil Turkish ah.

    Maalgelintan dibadeed ayaa gacan ka gaysan karta xoojinta keydka lacagta qalaad ee Turkey, ayada oo madaxweyne Erdogan uu wado siyaasadeed aan caadi aheyn oo lagu dhimayo dulsaarka, inkasta oo sicir-barar xooggan uu dalka ka jiro, islamarkaana qiimaha lacagta Lira ay hoos usii dhaceyso.

    Wasaaradda maaliyadda Turkey ayaan weli ka hadal maalgelinta Qatar. Sidoo kale mas’uuliyiinta Doha ayaan ka jawaabin codsi jawaab oo loo diray.

    Ayada oo dalalka Reer Galbeedka ay ka cago jiidayaan maalgashiga Turkey, Ankara ayaa u weecatay dalalka “saaxiibka” la ah, si ay u xoojiso siyaasadda lagu taageerayo lacagta lira ah, laguna dheelitirayo dhaqaalaha.

    Bankiga Dhexe ee Turkey ayaa horey Qatar ula saxiixday heshiis lacag is-dhaafsi, oo markii hore ahaa $5 bilyan balse sanadkii 2020 gaaray $15 bilyan.

    “Wadahadallo ay Qatar taageero ku siineyso Turkey ayaa gaaray heerkii ugu dambeeyey. Ugu yaraan waxaa noo muuqda $8 bilyan, balse waxay gaari kartaa 410 bilyan,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin, sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu arrintan ka hadlo.

    Qatar ayaa xiriir xooggan la leh Turkey, oo taageertay Doha markii Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo dalalka kale oo Carbeed ay go’doomiyeen 2017.

    Erdogan ayaa ku sugnaa furitaanka Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee Qatar, ayada oo uu wehliyey wasiirka maaliyadda Nureddin Nebati.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.