Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QM oo $100 milyan u fasaxday dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo ay ka jirto gaajo iyo macluul daran 
    Somalia

    QM oo $100 milyan u fasaxday dalal ay Soomaaliya ka mid tahay oo ay ka jirto gaajo iyo macluul daran 

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 17, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay 100 milyan oo dollar kasoo saartay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, si ay u caawiso malaayiinta wajahaya gaajo daran, kuwaas oo ku nool dalalka South Sudan, Soomaaliya, Sudan, Nigeria, Kenya, Ethiopia iyo Yemen.

    Malaayiin ku nool toddobadaas waddan ayaan quudin karin naftooda iyo qoysaskooda sababo la xiriira iska horimaadyada hubaysan, abaarta, iyo qalalaasaha dhaqaale ee uu uga sii daray COVID-19.

    Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadaninimada ayaa sidoo kale sheegay in saameynta dagaalka Ukraine ay khatar ku tahay in malaayiin qof ay u sii dhawaadaan macluul.

    Afhayeenka OCHA Jens Laerke ayaa VOA u sheegay in Yemen, Koofurta Suudaan, iyo Soomaaliya ay mar horeba ku jireen waxa Qaramada Midoobay ugu yeertay wejiga shanaad ee musiibada xaalad degdeg ah – gaajo iyo macaluul.

    “Wadamada kale ee Nigeria, Sudan, iyo Kenya iyo sidoo kale sidoo Itoobiya waxa aanu haynaa malaayiin dad ah oo hal tallaabo u jira marxaladdan masiibada ah,” ayuu yiri Jens Laerke.

    Laerke ayaa intaa ku daray in hay’adaha Qaramada Midoobay ay rajeynayaan in deeq-bixiyeyaashu ay fahmaan xaaladda dalalkan soo food saartay oo ay gacan ka geystaan howlgalkooda bani’aadaminimo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.