Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QM oo dalbatay hal bilyan iyo bar dollar oo wax looga qabto abaaraha Somaliya
    Somalia

    QM oo dalbatay hal bilyan iyo bar dollar oo wax looga qabto abaaraha Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 20, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday 17 milyan oo dollar oo qeyb ka ah dadaallada gargaarka bani’aadminnimada ee wax looga qabanayo xaaladda degdegta ah ee abaarta Soomaaliya, loona caawiyo dadka nugul ee abaartu saameysay.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeed wadajir ah oo kasoo baxay Qaramada Midoobay iyo saaxibada samafalka Soomaaliya ayaa soo saaray Qorshaha ka-jawaabista xaaladda Bani’aadamnimo ee Soomaaliya ee 2022 kaas oo baadi goob ugu jiraa 1.5 bilyan oo dollar, si loo caawiyo 5.5 milyan oo Soomaali ah oo ay ku jiraan 3.9 milyan oo aan aheyn barakacayaal iyo 1.6 milyan kale oo ay ku jiraan dadka qaba baahiyaha gaarka ah oo ku nool 74 degmo.

    “Nolosha dadka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa halis, mana haysanno waqti aan lumino,” ayuu yiri madaxa bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths oo intaas raaciyay.

    “Si loo badbaadiyo nolosha Soomaaliya, loogana hortago masiibo bini’aadantinimo oo kale, waa inaan hadda fasaxnaa gargaarka, si dadku ay uga badbaadaan gaajo iyo faqri hor leh. Waxaan maanta ka soo saarayaa $17 milyan Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah”

    Martin Griffiths ayaa ugu baaqay deeq-bixiyeyaasha kale inay si ‘deeqsinimo’ leh u taageeraan Sanduuqa Bini’aadaimno ee Soomaaliya.

    Waxay sheegeen in qorshaha HRP uu mudnaan siin doontaa 5 milyan oo ka mid ah dadka aadka u nugul, oo ay ku jiraan 1 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan jir.

    Baaqa codsiga gargaar ee Qarmada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in “colaadaha iyo nabad-gelyo-xumada sannadkan ay ku khasbeen 777,000 oo qof inay ka barakacaan guryahooda. Guud ahaan, in ka badan 2.9 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya – mid ka mid ah tirooyinka ugu sarreeya adduunka.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.