Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QM oo shaacisay khatar ka jirta dalka Yemen
    Somalia

    QM oo shaacisay khatar ka jirta dalka Yemen

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 28, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in ay khatar ku jirto nolosha kumannaan carruur ah oo u dhashay dalka Yemen, sababo la xiriira nafaqo-darro aad u daran oo ku heysata qeybo ka mid ah koofurta Yemen.

    Warbixinta hey’adda daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in ay jiraan kiisas ka badan nus malyuun kiis oo la xiriira nafaqadaro heysata carruurta ay da’doodu ka hooseyso shanta sano. Shanti carruur ahba hal ayaa la liita macluul sida ay sheegtay UNICEF.

    Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in ugu yaraan rubuc malyuun haween uur leh ama hadda naas-nuujinaya ilmo yar ay u baahanyihiin in laga baxnaaniyo nafaqa-darro.

    Meelaha ugu daran ee ay ka jirto nafaqo-darrida ayaa waxaa ka mid ah Xudeyda, Abyan, Lahj iyo Taciz.

    Dalka Yemen ayaa tan iyo sannadki 2014-ki waxaa ka socday, dagaal sokeeye oo u dhaxeeya dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran iyo ciidamada dowladda taagta-daran oo kaashanaya Isbaheysi Carbeed oo uu hogaamiyo Sacuudiga

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.