Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QM oo war kasoo saartay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne
    Somalia

    QM oo war kasoo saartay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 5, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha Guue ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii Al-shabaab ee magaalada Bedelweyne, kuwaas oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay 22 qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacan tahay.

    Afhayeenka Xoghayaha Guudd Stethane Dujarric ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

    Waxa uu sheegay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay la shaqeyso hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si ay u taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya ee uu jiheystay dhismaha dal nabad ah.

    Saddexda ee ka dhacday Beledweyne waxaa loo adeegsaday saddex baabuur kala duwan, waxaana fuliyey shaqsiyaad is-miidaamiyey.

    Dadka ku dhintay qaraxyadan waxaa ka mid ah wasiirkii caafimaadka HirShabelle Zakariye Hurre iyo guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey.

    Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.