Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qormadii C.C.Warsame ee Dhalinyaradii SYL
    Somalia

    Qormadii C.C.Warsame ee Dhalinyaradii SYL

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 16, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Cid walba waxey la yaabaneyd kala fogaashiyaha hankooda iyo tabartooda. Taakuleyn shisheeye iyo taageero dhaqaale marti ugama aysan noqon xaqiijinta himilladooda.

    Talo saarasho Alle, Iskutashi iyo ku tiirsanaan shacab ayaa halgankooda lafdhabar u ahaa. Iyagoo gumaysi ku hoosjira, haysatana duruufta tii ugu adkayd ayey khayaalkooda ku suuraysteen Soomaaliya oo xor ah iyo shanteeda gobol oo mid ah, lehna dastuur dimoqoraaddi ah, xukun madani ah, kaasoo sarreynta sharciga, xuquuqda muwaadinka iyo isla xisaabtan sal u yihiin.

    Wax walba khayaal iyo suuraysii ayey ka bilawdan Cid walba oo la yaabaneyd markii ay halganka bilaabayeen, waxey dib ka sheegatay in ay ka tirsanayd, ileyn guushu waa dad badan tahaye.

    Kuwaasi waa 13 kii dhallinyaro ee 77 sano ka hor maanta oo kale dhidibbada u taagay ururkii SYL. Dhallinyarada maanta joogta fursadaha ay heystaan ayaa ka wayn kuwii ay dhallintii SYL haysteen.

    Wax wayna kuma kala duwanna taxaddiyada iyo caqabadaha ay wajahayeen oo ay ka mid tahay dowlad la’aan, argagaxiso, sabool iyo shaqo la’aan intaba . Balse iimaanka buuxa, qiyamka sarreeya, kalsoonida, damiirka dadnimo, go’aan adaygga, aqoonsi ummadnimo ee shidaalka u ahaa dhallinyaradii SYL ayaa naaqus iyo nuxuus ku yimid.

    Isku furanka dunida, tiknoolajiyadda, sahalka helidda xogta ma aheyn fursado ay dhallinyaradii SYL haysteen, taasoo ay maanta dhallinyaradeennu heli karaan.

    Maanta dhallinyaro badan waxay halgan ugu jiraan xaqiijinta hammigoodu shakhsiga ah ee raadinta nolol maalmeedka, helista waxbarasho iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan.

    Kuwo kaloo badanna waxay halkii ay tiknoolajiyada ka faa’iidaysan lahaayeen ku habsaameen dacaayad, daqar iyo dhagaxtuur, halka kuwa kale ay argagaxiso u gacan galeen.

    Xitaa kuwii hammigoodii nolol iyo aqoon xaqiijiyey oo qaarkood, dalal ilbax ah tegey, ama iyagoo dalka joog ah dunida ilbaxda ah la nool, waxay khayaalkoodii ummadnimo ku xannibeen edeg xaafadeed iyo aqoonsi beeleed.

    Iimaanka oo la cusboonaysiiyo, caqliga oo la xoreeyo, damiirkana oo la nooleeyo, hanka oo sare loo qaado, wacyigana oo la kobciyo iyo khayaalka oo la waasiciyo ayaa lagu keeni maraa guushii SYL iyo mid ka wayn.

    ‎إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ آمَنُوا بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَاهُمْ هُدًى

    C.C.Warsame.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.