Garowe : 29 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman LugatoorLugatoor ayaa Qasriga Madaxtooyada ku sagootiyey Qunsulka Itoobiya ee Puntland, Dagnachew Yitbarak, oo dhameystay muddadiisii shaqo ee xafiiska Qunsuliyada ee Itoobiya.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Qusul Yitbarak, intuu Xafiiska joogay doorkii uu ka qaatay xoojinta iskaashiga arrimaha Amniga, Siyaasadda , Ganacsiga iyo isu socodka bulshada .
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirada Caafimaadka, Warfaafinta, Deegaanka iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.