Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Rabshado ka dhacay Sudan oo Dad badan ay ku Geeriyoodeen
    Somalia

    Rabshado ka dhacay Sudan oo Dad badan ay ku Geeriyoodeen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 26, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In ka badan 200 oo qof,ayaa ku dhintay isku dhacyada u dhexeeya dadka reer guuraaga Carabta ah iyo beeralayda deegaanka ee gobolka Galbeedka Darfur ee dalka Sudan, waxaana xiisaddan oo soo bilaabantay maalinimadii Jimcaha ee toddobaadkan ay haatan ku fidday illaa caasimadda gobolkaas ee Al Geneina. Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay rabshadahan sii kordhaya.

    Qalalaasahan billowday maalintii Jimcaha ayaa wuxuu daba socday, ka dib markii bishii April 21-keedii la helay, meydka laba qof oo reer guuraa ah, taas oo laga helay meel u dhow tuulada Hashaba, oo ka baxsan magaalada Kreinik.

    Madaxa waaxda bini’aadanimada ee Galbeedka Darfur Assadiq Mohammed, ayaa sheegay in illaa 201 qof oo meyd ah laga helay waddooyinka iyo goobaha kale ee dadku isugu yimaadaan.

    “Dad badan ayaa lagu dhex dilay guryahooda, xaaladdu ma aha mid ku habboon si rasmi ah loo sugo tirada dhimashada. Dhab ahaantii, tiradu way sii kordhi kartaa,” Ayuu yiri Assadiq Maxamed.

    Warbixin ay soo saartay hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa ku qiyaastay in 7,500 illaa 12,500 oo qoys oo ku nool hareeraha Kreink inay gabbaad ka raadsadeen xero ciidan oo maxalli ah si ay uga baxsadaan rabshadahan cusub.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.