Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisal wasaarihii Itoobiya Hayla Maryam Oo is casilay
    Somalia

    Ra’iisal wasaarihii Itoobiya Hayla Maryam Oo is casilay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 15, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa iscasilay, sida laga baahiyay telefishinka qaranka Itoobiya.
     
    Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa.
     
    Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee People’s Revolutionary Democratic Front.
     
    Iscasilaadiisa ayaa ku soo beegmaysa ka dib muddo bilooyiin ah oo ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeeday.
     
    Dibadbaxyada ayaa intooda badan ka socday gobolada Oramada iyo Amxaarada.
     
    Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa ku dhintay 10 qof tira kaalana waay ku dhaawacmeen.
     
    Wariyaha BBC Emmanuel Igunza, oo ku sugan caasimadda Addis Ababa, ayaa sheegaya in toddobadyadii ugu dambeeyay dowladda ay xabsiyada ka siidaysay kumannaan ah taageerayaasah mucaaradka , balse ay wali dibadbaxyada ay sii socdaan.
     
    Dalka Itoobiya ayaa tan iyo 2015 waxaa ka socday dibadbaxyo ay dadka ku dalbanayeen isbadalo siyaasadeed iyo mid dhaqaale iyo in la soo afjaro musuqmaasuqa.
     
    Xisbiga haya taladda dalka Itoobiya ayaa ku kala qaybsamay qaabka loo wajahayo dibadbaxyada socda., sida ay sheegayso tafaftiraha BBC ee Afrika Mary Harper.
     
    Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Itoobiya ayaa u arkayay rai’sul wasaaraha mid jilicsan oo jahwareersan, ayay intaa ku dartay.
     
    Itoobiya oo wiiqanta islamarkana ay xasilooni daro ay soo wajahdo ayaa waxay halis ku tahay guud ahaan gobolka geeska Afrka sida ay wariyahayaga ku waramayso.
     
    Taariikh Kooban
    Itoobiya waa wadanka ugu da’da wayn dhanka xorriyada waana wadanka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika.
     
    Marka laga reebo shan sano oo ay haysteen Taliyaaniga , Itoobiya waligeed lama gumaysan.
     
    Magaalada Addis Ababa ayaa xarun u ah ururka midowga midowga Afrika iyo hay’ado kale oo caalami ah.
     
    Xukunkii boqortooyada ahaa ee ka talin jiray dalka Itoobiya ayaa la afgembiyay sanaddii 1974.
     
    Rai’sul wasaaraha hadda iscasilay Hailemariam Desalegn ayaa xilka loo dhaariyay September 2012, taasi oo soo afjartay hubaal la’aantii ak dhalatay geeridii hogaamiyihii ugu xukunka dheeraa ee dalkaasi Meles Zenawi.
     
    Hailemariam Desalegn ayaa ka soo jeeda qoomiyad yar oo lagu magacaabo Welayta oo kud haqan Koonfurta Itoobiya.
     
    Mr Hailemariam oo horay u ahaan jiray rai’sul wasaara ku xigeen ayaa waxaa loo arkayay in uu ahaa nin ay si aad ah isugu dahwaayeen Meles Zenawi.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.