Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’isalwasaaraha Pakistaan oo qarka usaaran in uu lumiyo kalsoonida
    Somalia

    Ra’isalwasaaraha Pakistaan oo qarka usaaran in uu lumiyo kalsoonida

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 27, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan,ayaa wajahaya olole xooggan oo ka dhan ah xukuumaddiisa, kaas oo xisbiyada mucaaradka iyo xubno ka tirsan xisbigiisa ay qorsheynayaan inay u qaadaan codka kalsoonida.

    Mucaaradka,ayaa ku andacoonaya in ay heystaan codad ku filan oo ay ku afgambiyaan xukuumadda Khan, iyagoo u maraya codka kalsoonida, waxaana in ka badan 12 xubnood oo ka tirsan xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf ay si rasmi ah u taageerayaan mooshinka ay horkacayaan mucaaradka, iyaga oo sabab uga dhigaya inay xukuumaddu ku guul-darraysatay maaraynta sicir-bararka iyo inaysan si sax ah loo maamulin.

    Qaar ka mid ah isbaheysiga talada haya,ayaa ku biiray mucaaradka, halka qaar kalena ay cambaareeyeen waxa ay ugu yeereen siyaasadda aargoosiga ah oo ka dhan Ra’isul Wasaare Khan.

    “Khan aad,ayuu ugu darnaa mucaaradnimada, afkiisa iyo ficilkiisa labaduba aad bay u qallafsanaayeen. Waxa uu u sheegayay mucaaradka in xabsiga lagu tuuri doono, oo uu cashar u dhigi doono” ayuu yiri Axmed Bilaal Mehboob, oo ah madaxa machadka cilmi-baarista Horumarinta Sharci-dejinta iyo Hufnaanta Pakistan ee fadhigiisu yahay Islamabad.

    Mehboob ayaa intaas ku daray in mucaaradka la geeyay aysan ka soo noqon karin, ayna hadda is weydiinayaan badbaadadooda.

    Codka kalsooni kala noqoshada ayaa la qorsheeyay in la qaado Jimcihii shalay ee, Maarso 25-keeda, taasoo ku beegneyd sannadguuradii 30-aad ee guushii Pakistan ee Koobka Adduunka ee Cricket-ka, oo Khan uu kabtan u ahaa xulka Pakistand sanadkii 1992, hase yeeshe, dhageysiga doodda ka dhanka ah Khan, ayaa dib loo dhigay ilaa Isniinta.

    Khan ayaa dareemaya in laga yaabo in uu lumiyo codka kalsoonida, waxaana muuqata in uu diiradda saarayo doorashada soo socota, sida uu aaminsan yahay Awais Tohid, oo ah saxafi Pakistani ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.