Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’isalwasaaraha Sudan Oo la wareegay hogaaminta IGAD
    Somalia

    Ra’isalwasaaraha Sudan Oo la wareegay hogaaminta IGAD

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 29, 2019Updated:November 29, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay Shir Madaxeedkii Caadiga ahaa ee 13-aad ee madaxda Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

    Shirkan oo laba maalmood socday ayaa dib u habeyn lagu sameeyay hogaanka Ururka, iyadoo gudoomiyaha cusub ee IGAD loo doortay Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka Suudaan.

    Mr. Xamduuk ayaa ka hor intii uusan Ra’isul Wasaare ka noqon Sudan xubin ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

    IGAD ayaa sidoo kale Xoghayaheeda cusub u dooratay Workneh Gebeyehu, oo u dhashay dalka Ethiopia, oo uu dhawaan magacaabay Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo hayay xilka madaxa IGAD.

    Xlika Gudoomiyenimada IGAD ayaa waxaa dhawaanahan isku heystay dalalka Djibouti iyo Kenya, oo sidan oo kale isugu qabtay murashaxnimada kursiga Midowga Africa uu ku leeyahay Golaha Amaanka ee Qarmaada Midoobay, oo Markii dambe ururku uu u codeeyay Kenya, in kastoo Djibouti ay ku dooday in nidaam haboon aan loo marin.

    Kullankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee shir madaxeedka caadiga ah ee wadamada IGAD ay yeeshaan muddo 10 sanadood ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.