Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’isalwasaare Abiye”Ciidankayagu waxay fuliyaan falal argagixiso”
    Somalia

    Ra’isalwasaare Abiye”Ciidankayagu waxay fuliyaan falal argagixiso”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 19, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa laamaha ammaanka ee dalkiisa ku eedeeyay in ay gaystaan falal argagixiso iyaga oo si sharci darro ah dadka u xira una jir dila.
     
    Abiy ayaa xilka loo dhaariyay labo toddobaad ka hor isaga oo ballan qaaday in uu isbadallo waawayn samayn doono.
     
    Kumannaan ruux oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xirnaa ayaa la sii daayay, bishan horraanteediina wuxuu shaqada ka tiray taliyihii ciidammada iyo midkii sirdoonka.
     
    Billo ka hor wax aan la filan karin ayay ahayd in qof masuul ah uu dawladda Itoobiya ku eedeeyo falal argagixiso. Balse arrintaas ayuu hadda ku dhaqaaqay ra’iisulwasaaraha.
     
    Abiy oo baarlamaanka su’aalo ooga jawaabaya ayaa la waydiiyay sababta uu xabsiga uga sii daayay dad argagixiso lagu eedeeyay, Abiy ayaa markaas yiri yaa argagixiso ah marka ciidammadii dawladda loo adeegsanayo in ay dad xilka ku sii hayaan.
     
    Wuxuu sheegay in tuulo kaste oo dalka Itoobiya ku taalla dad lagu jir dilay qolal madawna lagu xiray iyaga oo maxaabiis ah.
     
    Sannadihii u dambeeyay hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa dawladda Itoobiya ku eedaynayay in ay gacan bir ah ku hayso mucaaradka saxaafadda xorta ahna caburinayso.
     
    Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayayna ka go’antahay in uu isbdal ku sameeyo arrintaas.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.