Raโiisul wasaaraha xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum oo looga doodo nabada caalamka.
ย
Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa lagu soo dhoweeyay Gegida Diyaaradaha ee Muqdisha.
ย
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay inuu safarkoodu kusoo dhammaaday guul.
ย
R/wasaaraha ayaa intii uu Norway ku sugnaa,ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan,sidoo kale waxuu la kulmay masuuliyiinat ugu saraysa dalkaas.
