Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’isalwasaare khayre oo kaga guulaystay Madaxweyne Farmaajo khilaafkii Xajka
    Somalia

    Ra’isalwasaare khayre oo kaga guulaystay Madaxweyne Farmaajo khilaafkii Xajka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 24, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xukuumadda Fadaraalka Somaliya ayaa wafti uu hoggaaminayo ku-simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda u dirtay Sacuudiga, iyadoo qoraal ka socday Ra’iisal wasaare Kheyre la gaarsiiyey Wasaaradda Arrimaha Xajka Sacuudiga, waxaana ugu danbeyn lagu heshiiyey in Shan shirkadood oo Soomaali ah ay ka qeyb qaataan dhoofka xajka sanadkan.

    Labadii Shirkadood ee hore u heysatay Xajka iyo tegista Sacuudiga ee Jubba iyo Daallo ayaa qaadi doona Xujey gaareysa 6000, halka shirkadaha danbe ee saddexda ah Freedom, Ocean iyo African ay qaadi doonaan 3300 xaaji, laakiin waxay rakaabka geyn doonaan garoomada Nairobi iyo Jabuuti, halkaasoo ay ka qaadi doonto diyaaradda Saudi Airlines.

    Mas’uulka Safaaradda Soomaalida ee Arrimaha xajka u qaabilsan Safaaradda Soomaalida dalka Sacuudiaga Farxaan Sheekh Maxamuud ayaa Radio Dalsan oo xaruntiisu tahay Muqidsho u sheegay sheegay in Shanta Shirkadood ay labo ka mida: Jubba iyo Daalo ay si toos ah Muqdisho uga qaadi doonaan, halka Saddex kale oo kusoo korortay ay geyn doonaan xujeyda Nairobi iyo Jabuuti, isla markaana ay wakiisheen in halkaasi ay ka sii qaadaan shirkado kale oo ay ka mid tahay shirkadda Diyaaradaha Sacuudiga.

    Qorshahan hada lagu maareeyo laguna soo afjaray khilaafkii ka taagnaa arimaha xajka,ayaa ah kii uusoo jeediyay markii hore ra’isalwasaare Khayre,balse uu ku gacansayray Madaxweyne Farmaajo

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.