Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’isalwasaare khayre”Puntland waxay tusaale fiican u tahay Soomaaliya inteeda kale”
    Somalia

    Ra’isalwasaare khayre”Puntland waxay tusaale fiican u tahay Soomaaliya inteeda kale”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 1, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo madaxda dawlada Puntland, oo u dabaal degaya sannad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay dawlada Puntland sanadkii 1998-dii.
     
    Mudane Khayre, ayaa sheegay in shacabka Puntland ay yihiin dad ku caan baxay nabad jaceyl, dawlad jaceyl iyo inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee Soomaaliya. Wuxuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka iyo sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran Soomaaliyeed oo xoog leh, isagoo u rajeeyey inuu Alle u siyaadiyo horumarkaasi ay gaareen.
     
    “Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka iyo madaxda Puntland oo maanta u dabaal degaya sanad guuradoodii 19-aad. Puntland waxay tusaale fiican u tahay Soomaaliya inteeda kale. Waxay si wadajir ah uga shaqeeyeen nabadda, waxayna ku gaareen amni iyo horumar ballaaran” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
     
    Waxaa uu ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu u xaqiijiyey shacabka reer Puntland in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba ka shaqeyneyso waxa danta u ah dalka oo dhan, dhinacoodana looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan sidii waddanka dib loogu soo celin lahaa maqaamkii uu horey u lahaa.
     
    DHAMMAAD
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    June 16, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    June 16, 2025
    Latest Posts

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Diyaaradaha dagaalka Ciidamada PL oo laayay ku dhawaad 50- Argagixisada ka mid ah

    Ninka Turkiga Ee la qabtay oo looga shakisan yahay…

    Shirkii Xasan Shiikh Ee astaysnaa Maanta oo fashilmay

    بيان صحفيصادر عن جماهير الدفاع والديمقراطية في بونتلاند

    War-saxaafadeed kasoo baxay Dhalinyarada Difaaca iyo Dimuqraadiyadda Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.