Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Rayid fara badan oo ku geeriyooday Dalka Ukrain
    Somalia

    Rayid fara badan oo ku geeriyooday Dalka Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 9, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saraakiisha maamusha khadka tareenada ee dalka Ukraine ayaa sheegay in illaa 50 qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan shan carruur ahi, weerar gantaal oo lagu qaaday xarun tareen oo ku taalla bariga dalka Ukraine oo la doonayay in laga daadgureeyo dadka rayidka ah ee ka cararaya colaadaha dalkaas ka jira. Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay illaa 87 qof oo kale.

    Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay weerarkaas dhimashada badan geystey ee Jimcihii lagu qaaday xarunta tareenada ee Ukraine iyo werarada kaleba “mid aan gabi ahaanba la aqbali karin” iyo inay yihiin “xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee gargaarka bini’aadanimo iyo kan xuquuqul aadanaha, kaas oo ay tahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha falkaas ku kacay.”

    Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa ku celiyay baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee ahaa “in si degdeg ah loo joojiyo dagaalkan naxariis darada ah” ee ka socda dalka Ukraine.

    Labo gantaal ayaa la sheegay in lagu garaacay xarunta tareenada laga raaco ee Kramatorsk. Guddoomiyaha gobolka Donetsk ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku sugnaayeen xaruntan iyagoo isku dayaya in ay u baxaan meelo nabdoon xilli gobolkani uu u diyaar garoobay duullaan weyn oo Ruushku ku hayo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Saraakiisha Ukraine ayaa ku eedeeyay dalka Ruushka inuu ka dambeeyay weerarka hase ahaatee Ruushka ayaa iska fogeeyey masuuliyadda weerarkan.

    Sidoo kale Jimcihii, xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin waxa uu kala hadlay Wasiirka Gaashaandhigga Ukraine Oleksii Reznikov “baahiyaha milatariga Ukraine si ay u difaacaan dalkooda,”.

    Austin,ayaa ammaanay ku dhawaaqista Slovakia ee la xidhiidha in ay u diri doonto dalka Ukraine, nidaamka difaaca hawada ee S-300, isaga xoghayaha difaaca ee Maraykanku ku tilmaamay nidaamkan “awood difaac oo muhiim ah.”

    War qoraal ah oo ay soo saartay dawladda Ruushku ayay ku sheegtay in gantaalka loo adeegsaday weerarka ee Tochka-U uu yahay mid ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Ukraine oo kaliya, isla markaana aanay ciidammada Ruushku wax weerar ah ku qaadin Kramatorsk.

    Si kastaba ha ahaatee, website-ka Defence Blog ayaa sheegay 31-kii March in kolonyo gaadiid ah oo militariga Ruushka ah oo sitay gantaaladii dhawaan shaqada ka fariistay – ee reer galbeedka u yaqaaneen SS-21s – la sawiray iyagoo qayb ka ah ciidamada soo duulay ee Ukraine.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.