Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Reer Buntilaanow Isku tashateene Isu tanaasula!
    Somalia

    Reer Buntilaanow Isku tashateene Isu tanaasula!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 29, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Reer Buntilaanow Isku tashateene Isu tanaasula!

    Dhismaha Dekedda Garacad waxay dadka ku nool Puntiland iyo Somalia inteeda kaleba xasuusinaysaa in dawladnimada dhabta ah ay ku jirto gacanta dadweynaha. Iyaga ayaa milkiilaha runtaa ka ah mustaqbalkooda iyo midka Dalkaba.

    Afar sano oo uu Farmaajo joogay wax muuqda oo mashruuc dawladeed lagu sheegi karo dadka uma uusan hirgelin. Xitaa meelaha uu taageerada ugu xooggan ku lahaa dhaxal nacfi leh uga ma uusan tegin.

    Sidiisaba Farmaajo uma imaan inuu horumar bulsho maalgeliyo, waayo kartidaasna ma uusan lahayn, kalsamaan uu howshaas ku qabtana ma lahayn. Keliya wuxuu u yimid fulinta wixii uu khibradda u lahaa ee intuu qurbaha jiray uu ku qalinjebiyay buuggana ka qoray– oo ahayd maalgelinta caadifadda qabiilka iyo kala-qaybinta bulshada.

    Maanta oo shacabka Puntiland ay dabaaldeg ugu jiraan hirgelinta mashruucii iskutashiga ku yimid ee Garacad, waxaa dhinaca kale dadka halkaas ku nool hor yaalla imtixaan adag oo la marsiinayo doonistooda shacab. Waxaa socda saansaan colaadeed oo haddii ay cid dan ugu jirto ay ciddaasi tahay kooxda Villa Somalia ee u taagan burburinta maamul kasta oo aanay iyagu dhisin, iyo dhisidda maamullo burbursan oo dantooda uun ka shaqeeya.

    Mar walba oo ay Puntiland xaalad ka taagan tahay oo aan arko dad deegaankaas ah oo xiisadda jirta la dhacsan waxaan xasuustaa hadal uu muddo aan fogeyn ka hor igu yiri nin reer Puntiland ah oo taageerada Farmaajo la qiireysnaa. Wuxuu igu yiri “adiga Xamar oo qaraxyo ka dhacaan ayaad ka timid oo nabadgeliyada Puntiland ka jirta waad la dhacsan tahay. Laakiin aniga maanta wax aan ka jeclaan lahaa ma jirto in dagaal lagu kala haado uu ka dhaco Puntiland”.

    Sababta ayaan weyddiiyay, markaasuu si fudud ugu jawaabay “waxaan rabaa inaan arko aniga iyo reerka meeshaas ka taliya oo Xamar wada joogna oo na loo wada talinaayo”.

    Waxaan rajaynaa in ay reer Puntiland sida ay iskutashi Dekedo ugu dhisteen si la mida ay iskutashi iyo iskutanaasul nabadgeliyadooda ugu ilaashadaan, khilaafkana ugu maareeyaan.

    Maxamed Dhaaley

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.