Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Reer Galbeedka Oo cayriyay Diblomasiyiintii Ruushka Ee dalalkooda joogay
    Somalia

    Reer Galbeedka Oo cayriyay Diblomasiyiintii Ruushka Ee dalalkooda joogay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 26, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Maraykanka, Canada, Ukraine iyo afar iyo toban dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in ay dalalkooda ka eryayaan boqolaal dublomaasi oo Ruush ah, sababtuna tahay weerarkii sunta habdhiska dareen wadka disha loo adeegsaday ee ka dhacay Ingiriiska.
     
    Madaxweyne Trump ayaa amar ku bixiyey in lixdan ka tirsan shaqaalaha safaraadda Ruushka oo lagu eedeeyey basaasnimo dalka laga saaro. Ukraine iyadna waxay eryaysaa saddex iyo toban, halka dhawr dal oo kale oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalku ay iyaguna midkiiba afar dublamaasi eryay.
     
    Wasiirka arimaha dibadda Jarmalka, Heiko Maas, ayaa sheegay in Ruushku aanu weli jawaab ka bixinin sababta sun la sameeye xilligii Soofiyeetka loogu adeegsaday weerarka lagu qaaday basaas hore oo la yidhaa Sergei Skripal iyo inantiisa oo haatan aad u il daran.
     
    Madaxa golaha hogaanka Midowga Yurub, Donald Tusk, ayaa markii uu shaacinayey eriga dublamaasiyiinta waxa uu sheegay in dhici karto in diblomaasiyiin kalena la eryo.
     
    Ruushka ayaa tallaabada dalalkaasi ku eryeen dublamaasiyiintiisa ku sheegay in ay tahay mid “daandaansi ah oo colaadeed” waxaanu wacad ku maray in uu ka fal celin doono.
     
    Af-hayeenka Aqalka Kremlin ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in go’aanka kama dambaysta ah Madaxweyne Vladimir Putin gaadhi doono.
     
    Mar sii horraysay ayaa danjiraha Ruushka u fadhiya Maraykanka, Anatoly Antonov, waxa uu sheegay in Maraykanku burburinayo intii yarayd ee ka sii jirtay xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanka.
     
    Moscow waxay mar kale ku celisay in aanay wax wacaal ah ka haynin sunta disha habdhiska dareen wadka ee la sheegay, waxaanay maamulka Ingiriiska ku eedaysay in uu qaatay mawqif “gurracan oo qallooca isla markaana cuqdadi dhaamisay”.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.