Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Reer Galbeedka oo hiil umuujiyay Tigreega
    Somalia

    Reer Galbeedka oo hiil umuujiyay Tigreega

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 6, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Itoobiya,ayaa muujisay sida ay uga xuntahay ergadii iyo diblumaasiyiintii reer Galbeedka ee dhawaan gaaray magaalada Maqalle, caasimadda gobolka waqooyi ee Tigray ee ay dagaalladu ka dhaceen.

    Dowladda ayaa caro ka muujisay qaabka reer Galbeedka ay u maarreeyeen wadahadal lala yeesho hoggaamiyeyaasha Tigray, si loo soo afjaro colaaddii muddo laba sano ah ka jirtay waqooyiga dalka Itoobiya.

    La taliyaha amniga qaranka ee ra’iisal wasaaraha dalkaasi, danjiire Ridwaan Xuseen, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuu ku sheegay in dowladda federaalka ay beesha caalamka u caddeysay qaabka danjiirayaashaasi gaarka ah iyo diblumaasiyiinta ay u maareeeyeen arrintaasi.

    Danjire Ridwaan ayaa wafdigaasi ku eedeeyay inay diiradda saareen xaaladda TPLF halkii laga doonayay inay xoogga saaraan wadahadalada nabadeed.
    Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber, dhiggeeda Mareykanka, Mike Hammer, iyo safiirro kale oo ka socda dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa horraantii toddobaadkan booqday gobolkaasi, waxayna halkaasi kula kulmeen saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay Debretsion Gebremichael, hoggaamiyaha TPLF ee Tigray.

    Bayaan wadajir ah oo ay ka soo saareen socdaalkooda, ayaa danjiirayaashaasi waxay ku baaqeen in Tigray ay u baahantahay adeegyada asaasiga ah, sida bangiyo, koronto iyo isgaarsiin.

    La taliyaha amniga qaranka ee raii’sal wasaaraha dalkaasi, Ridwaan, ayaa sheegay inay tahay inay billowdaan wadahadallo.

    Dhanka kale, bayaan ay Khamiistii soo saareen ciidamada Tigray, ayaa waxay ku eedeeyeen guddiga caalamiga ah ee khubarrada xuquuqul insaanka ee Itoobiya, oo ah hay’ad baaritaan oo ay aasaastay Qaramada Midoobay, “in ay si ula kac ah isaga dhaga tirtay macluumaad muhiim u ah” gobolka.

    Xubnaha guddiga, kuwaas oo la filayo in ay soo baaraan eedeymaha ku saabsan gabood-fallada intii uu socday dagaalkii u dhaxeyay ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga Tigray, ayaa safarkoodii ugu horreeyay ku tagay Addis Ababa dhammaadkii bishii hore, balse ma aysan tegin gobolka Tigray.

    Guddiga ayaa ugu baaqay shaqsiyaadka iyo ururrada inay soo gudbiyaan macluumaadka ku saabsan dembiyada lagu soo eedeeyay, iyadoo waqtiga kama dambays ah uu ku ekyahay bisha Agoosto.

    Laakiin iyadoo inta badan Tigrayga laga jaray internetka, waxaa jira walaac laga qabo in kuwa gobolka jooga caddeymo macquul ah aysan awoodin inay la wadaagaan baarayaashaasi.

    Labada dhinac ee xukuumadda iyo kooxda TPLF ayaa diyaar u ah in ay ka wada xaajoodaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalladii sokeeye ee billowday dhammaadkii bishii October ee sanadkii hore, balse labada dhinac ayaan weli u kulmin si fool ka fool ah.

    Ciidamada Tigreega ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka wada xaajoodka ay la galayaan madaxda dowladda Itoobiya oo ay garwadeen ka tahay dowladda Kenya.

    Getachew Reda oo ah hoggaamiyaha sare ee kooxda TPLF ayaa shaaca ka qaaday in la diyaariyay wafti heer sare ah oo matalayay ciidamada Tigray-ga oo diyaar u ah in loo diro wada xaajoodka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.