Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Russia iyo Ukraine oo ku dhow in ay gaaraan heshiis
    Somalia

    Russia iyo Ukraine oo ku dhow in ay gaaraan heshiis

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 21, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkey ayaa wareysi uu bixiyay Axaddii ku sheegay in Russia iyo Ukraine ay ku dhow yihiin in ay ka heshiiyaan arrimaha muhiimka ah, wuxuuna muujiyay raja ah in xabbad-joojin la gaari karo, waa haddii buu yiri, aysan labada dhinac ka laaban horumarka ay ilaa hadda gaareen.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba ayaa horraantii bishan ku kulmay magaalada Antalya, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Turkey Mevlut Cavusoglu uu isna kulankaasi ka qeybgalay. wadahadalkaasi ayaan dhalin wax natiija ah.

    Laakin Cavusoglu oo toddobaadkii hore tagay Russia iyo Ukraine wada-hadalna la yeeshay Lavrov iyo Kuleba ayaa u sheegay wargeyska Turkish-ka ah ee Hürriyet Daily in ay jirto isku soo dhowaansho ay labada dhinac ka muujiyeen halkii ay markii hore ka kala joogeen arrimaha muhiimka ah.

    Afhayeenka madaxtooyada Turkey Ibrahim Kalin, oo la hadlay TV-ga Al-Jazeera ayaa sheegay in labada dhinac ay isaga soo dhowaadeen afar qodob oo muhiim ah.

    Waxa uu soo qaatay dalabka Ruushka ee Ukraine ka tanaasusho doonisteeda ah in ay ku biiraan NATO, hubka dhigis, waxa Russia ay ugu yeerto in Naaziyiinta laga saaro dalkaasi, iyo ilaalinta luqadda Ruushka ee Ukraine.

    Ciidamada Russia ayaa ku duulay Ukraine 24-kii bishii hore. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ugu yeeray duullaanka in uu yahay “howlgal gaar ah”, oo looga dan leeyahay in hubka looga dhigo Ukraine uuna ka sifeeyo waxa uu u arko kooxo khatar ah. Laakin Ukraine iyo reer galbeedka ayaa ku eedeeyay Putin in uu doortay duullaan gardarro ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.