William Samoei Ruto ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay madaxweynaha shanaad ee Kenya.
Waxaana sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya loo dhaariyay Rigathi Gachagua.
Ninkii la tartamayay Ruto, Raila Odinga ayaanan ka qeybgalin munaasabadda dhaarinta madaxweynaha cusub isagoo sheegay in uu โwalaac xoogganโ ka qabo oo ku aadan natiijada doorashada.
Waxaana munaasabadda caleemo saarka ka qeybgalay madaxweyneyaal dhowr ah oo ka socda Afrika iyo masโuuliyiin kale.
Ruto wuxuu helay 50.49% codadkii la dhiibtay ee doorashada, wuxuuna ka adkaaday Raila Odinga oo helay 48.8%.
Halkan ka daawo muuqaalka
