Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ruto oo Raalli gelin siiyay Haweenayda hoggaamisa Tanzania
    Puntland

    Ruto oo Raalli gelin siiyay Haweenayda hoggaamisa Tanzania

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 28, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xiisadda u dhaxaysa waddamada Tanzania iyo Kenya ayaa cirka isku shareertay ka dib markii dhowaan Tanzania bilowday in ay dalkeeda ka tarxiisho qaybo ka mid ah bulshada Kenya ee halkaas ku sugan halka qaar kalena loo diiday in ay dalkaas soo galaan.

    Dadweynaha Kenya oo ka cadhooday tallaabooyinka kaga yimi Tanzania ayaa baraha bulshada ku baahiyey sawirro ay ka sameeyeen madaxweyne Saamiya Suluhu kuwaas oo ay ku aflagaadaynayaan.

    Dawladda Tanzania ayaa dhiggeeda Nairobi ka dalbatay in ay joojiso hadallada Xanafta leh ee baraha bulshada lagu baahinayo ee ka dhanka ah madaxweynaha dalka Tanzania Saamiya Suluhu.

    Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo maanta hadlay ayaa sheegay in uu raalli gelin ka bixinayo aflagaadada ay dhallinyaradiisa Tanzania loo diiday ay u geysanayaan madaxweyne Saamiya Suluhu isaga oo ka digay farriimaha cayda iyo nacaybka ah ee dadkiisu ku hayaan waddanka la jaarka ah ee Tanzania.

    Dara Salaam dhowaan waxay joojisay adeegsiga lacagta Kenya ee gudaha Tanzania lagu istcimaali jirey iyada oo dalkeedana ka mamnuucday dadka u dhashay Kenya taas oo bulshada Kenya ay si weyn uga cadhootay

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.