Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka oo ceyrinaya diblomaasiyiinta Britain ee Moscow
    Somalia

    Ruushka oo ceyrinaya diblomaasiyiinta Britain ee Moscow

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 17, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in dalkeeda ka ceyrinayso 23 diblomaasi oo u dhashay dalka Britain, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhalatay weerar loo adeegsaday sun oo lagu qaaday nin ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka balse markii dambe iska dhiibay dalka UK.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sheegtay in diblomaasiyiinta ka hawlgala safaaradda Britain ee Moscow dalka laga musaafurin doono muddo toddobaad gudihiis ah.

    Tallaabadan ayaa jawaab u ah go’aanka Britain ay dalkeeda uga eriday 23 diblomaasi oo u dhashay dalka Ruushka.

    Diblomaasiyiinta Ruushka ayaa lagu amray in ay Britain ka baxaan kaddib murankii diblomaasiyadeed ee ka dhashay weerar lagu qaaday Sergei Skripal oo 66 isla markaana ka tirsanaan jiray mukhaabaraadka Ruushka iyo gabdhiisa Yulia Skripal oo 33 jir ah.

    Weerarkaasi ayay Britain ku eedeysay dowladda Ruushka balse xukuumadda Moscow waa ay beenisay eedeymahaasi.

    Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la xirayo hay’adda Britain u qaabilsan dhaqanka iyo in aan la ogolaan doonin in Britain ay qunsuliyad ka furato magaalada St Petersburg.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.