Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka oo jab la taaban karo ka raacay dagaalka Ukrain
    Somalia

    Ruushka oo jab la taaban karo ka raacay dagaalka Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 3, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Duulaanka Ruushka ee Ukraine,ayaa si lama filaan ah waxaa u hareeyey khaladaad istaraatiiji, kuwa xeeladeed, shidaal iyo cunno yari, gawaari dagaal oo laga cararay, diyaarado lasoo riday iyo dhimashada askar badan, waxaa sidaas shaaciyey khuburo Mareykan ah.

    Hase yeeshee guuldarrooyinka Ruushka ee maalmaha hore ee dagaalka, oo ay ku jirto inay yareysteen sida ay Ukraaniyiinta uga go’an tahay inay dagaalamaan, ayaa hoggaamin kara in Moscow ay go’aansato inay oodda ka qaado dhammaan awoodaheeda, ayna si aan kala sooc laheyn u burburiso qeybo badan oo ka mid ah Ukraine, sida ay sheegeen khubarada.

    Khubarada Mareykanka ee darsa militariga Ruushka ayaa sheegaya inay aad ula yaabeen maamul xumada Ruushka ee ololahan, oo ay ku luumiyeen boqolaal gawaarida dagaalka ah iyo in Ukraaniyiinta ay ka hortageen in ciidamada cirka Kremlin-ka ay maamulaan hawada.

    “Haddii aad wax ku dheeli laheyd laba ama saddex asbuuc marka uu dagaalka socdo, waan fahmin lahaa,” waxaa sidaas yiri Scott Boston oo ah taxliiliye sare oo difaac oo ka tirsan hay’adda daraasaadka ee Rand Corp.

    “Hase yeeshee, haddii aad noqotay qof ku kufay albaabka hore ee guriga laga galo, waxaa ku haysta arrimo kale,” ayuu yiri.

    Khuburada Wasaaradda Gaanshaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka iyo kuwa qeybaha gaarka ah ayaa filayey in ciidamada madaxweyne Vladimir Putin ay si deg deg u burburiyaan awoodda Ukraine wax isaga caabin karto, ay waxyeeleyn karaan talisyada 200,000 ee askari ee Ukraine, ayna burburiyaan habka difaaca gantaalada.

    Hase yeeshee arrimahaas oo dhan ma dhicin lixdii maalmood ee ugu horreeyey dagaalka. Sidoo kalena, inkasta aan la hayn tirada rasmiga ah, haddana skarti Ruushka ee la dilay, la dhaawacay ama la qabtay, ayaa u muuqata mid aad uga badan intii la filayey.

    “Tani waa guuldarro sirdoon oo aad u weyn oo si baaxad leh u yareysatay iska caabinta Ukraine, islamarkaana fulinta militari ayaa aheyd mid aad u xun,” waxaa sidaas yiri Michael Vickers, oo ah kaaliyihii hore ee xoghayaha gaashnaadhigga Mareykanka ee arrimaha sirdoonka, oo ka hadlay Xarunta Istraatiijiyadda yo Daraasaadka Caalamiga ah.

    Qiyaas ay sameeyeen khubaro militari oo ka tirsan Xarunta Atlantic Council’s Scowcroft Center ayaa tilmaamaysa in Ruushka ay guuldarro la taaban karo kala kulmeen inay deg deg u qabsadaan garoon diyaaradeed ku yaalla banaanka magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

    Dagaalkii ka dhashay gacan ku haynta ayaa ka dhigay garoonka mid ay aad u gaartay waxyeelo, taasi oo ka dhigan inaan loo adeegsan karin in lagu qabsado Kyiv.

    Waxay sidoo kale sheegeen in khasaaraha Ruushka “ee diyaaradaha iyo helikobtarada laga riday ay aad uga badan tahay sidii la filayey,” sababtuna ay tahay inaysan burburin habka difaaca hawada ee Ukraine.

    Boston wuxuu sheegay in Ukraaniyiinta ay weli adeegsanayaan diyaaradaha Drone-ka ee Turkish-ka ay sameeyaaen ee Bayraktar, si ay ugu burburiyaan gawaarida dagaalka Ruushka.

    “Haddii drone-ka Turkish-ka ay gawaarida Ruushka haleelaan maalinkii hal ama laba jeer waa caadi, balse haddii la garaaco laba mar ka badan, wax ayaa ka khladan dhanka Ruushka,” ayuu yiri.

    Dhinaca kale, afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa sheegay in Ruushka ay u muuqdaan inaysan si wanaagsan isugu xirneyn islamarkaana ay la’yihiin awood ay ku maareeyaan duulaanka.

    Si kastaba, dhammaan khubarada ayaa isku raacsan in Ruushka ay soo rogaal celin karin. Horumarkii ciidamada Ruushka waa hakaday, balse taasi waxay u ogolaan kartaa inay xaliyaan dhibaatooyinka ka haystan dhanka sahayda, ayuu yiri Kirby.

    Waxaa intaas dheer, waxay filayaan in niyadjabka Putin ee maalmaha hore ee dagaalka ay hoggaamin karto inuu oodda kasoo qaado dhammaan awooddiisa buuxda ee hubka gantaallada iyo cirka kuna sii daayo shacabka Ukraine, ayada oo wadata saameyn burbur.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.