Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka oo ku lumiyay dagaalka Ukrain Cudud Ciidan oo fara badan
    Somalia

    Ruushka oo ku lumiyay dagaalka Ukrain Cudud Ciidan oo fara badan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 31, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda difaaca Ukraine,ayaa xog ay maanta soo bandhigtay ku sheegatay inay khasaare baxad weyn leh gaarsiisayay ciidamada Ruushka ee ku soo duulay dalkeeda, waxaana ay ku shaacisay barteeda Twitter-ka inay dileen qiyaastii 17,500 oo ka tirsan askarta Ruushka.

    Warbixinta militariga Ukraine,ayaa sidoo kale lagu sheegay inay gubeen ugu yaraan 614 taangi, 311 madaafiicda goobta ah, 1201 gawaarida gaashaaman, 54 lidka diyaaraha ah, 131 helicopter, 7 markab iyo 75 booyadaha shidaalka qaada.

    Ruushku ilaa hadda ma qiran, mana dafirin jiritaanka sheegashada warbixinta Ukraine.

    Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in difaaca dalkiisa ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka uu marayo ‘meel xaasaasi ah’ wuxuuna mar kale ku cadaadiyay Mareykanka caawinaad dheeri ah, saacado kadib markii ciidamada Ruushka ay ka laabteen ballanqaad ahaa inay yareynayaan qeybo ka mid ah howlgalladooda, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

    Duqeymaha uu Ruushku ku hayo deegaannada ku xeeran magaalooyinka Kyiv iyo waqooyiga magaalada Chernihiv iyo weerarada sii xoogeysanaya ee meelo kale oo dalkaasi ka mid ah ayaa sii wiiqay rajadii laga qabay in horumar laga gaaro soo afjaridda colaadda dhiiga badani ku daatay ee hadda isu rogtay dagaal fool-ka-fool ah.

    Wadahadallada u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka oo ah kuwa fogaan arag ah ayaa lagu wadaa in ay dib u bilowdaan Jimcaha, sida uu sheegay madaxa wafdiga Ukraine, David Arakhamia.

    Wafdi xildhibaanno ah oo ka socda Ukraine ayaa Arbacadii booqday Washington si ay cadaadis ugu saaraan Mareykanka in uu siiyo kaalmo dheeri ah, iyagoo sheegay in dalkoodu u baahan yahay qalab militari, kaalmo dhaqaale oo dheeri ah iyo cunaqabateyn adag oo ka dhan ah Ruushka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.